Soomaaligii Taariikhda Cusub Ka Dhigay Mareykanka

0
659

Oregon (Hargeisa Press) – Soomaalidii ugu badnayd, ayaa waxaa xilal kala duwan loogu doortay doorashadii xilliga dhexe ee todobaadkan ka dhacday dalka Mareykanka.

Waxaa Soomaalidaas oo dhalinyaro u badan kamid ah Kayse Jaamac kaasi oo loo doortay Xubin ka mid ah golaha senate-ka ee gobolka Oregon.

Musharraxii la tartamayay, ayaa waxa uu kaga guulaystay aqlabiyad ku dhaw 60%. Kayse Jaamac waa qofkii ugu horeyay ee Muslim ah, Soomaali ah isla markaana soogalooti ah ee ka mid noqda Aqalka Senat-ka gobolka Oregon.

“Dareenkeygu waa mid aad iyo aad u sarreeya waa taariikh u soo hoyatay dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, sababtoo ah waxaan noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ama qaxooti ah ama Soomaali ah ee soo gala senat-ka Oregon,” ayuu yidhi Kayse Jaamac.

Sidee Kayse Jaamac ugu suurta gashay gaadhida guushan?

Kayse oo ka mid ahaa dadkii Soomaaliya ka qaxay markii dagaallada sokeeye ka dhaceen sanadkii 1991, ayaa gobolka uu hadda ka mid noqday Aqakiisa Senate-ka wuxuu joogay muddo 22 sano ah. Wuxuuna halkaa ka aas-aasay hay’ad uu madax ka ahaa oo u doodda xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay in muddadii uu hay’addaasi ka shaqeynayay ay u suurta gashay inuu dhex galo dadka gobolka oo wax badan uu fahmo.

Laba sano ka hor ayuu xisbiga Dimuquraaddiga ee dalka Mareykanka u magacaabay inuu ka mid noqdo aqalka senate-ka ee gobolka Oregon, iyda oo Salaasadii la soo dhaafayna ay dhacday doorashada uu ku hantiyay guusha taariikhiga ah.

Gobolka Oregon oo ah gobol ay ku yar yihiin dadka soo galootiga ayuu Kayse sheegay in ay ku garab istaageen dadka Soomaalida ah ee gobolkaasi ku dhaqan iyo kuwa gobollada kaleba. Wuxuu intaa ku daray in maadaama uu yahay qof u diyaarsan la macaamilka bulshada uu matalayo ay dadku siiyeen codkooda.

Waxyaabaha kale ee Kayse aaminsanyahay in guushiisa ay sahleen, ayaa waxaa ka mid ah aragtiyada xisbigiisa dimuquraaddiga ah iyo habka ay ula xidhiidheen dadweynaha codka dhiibanayay oo uu ku tilmaamay kuwo aan mugdi ku jirin.

“Ninkii ila tartamayay wuxuu ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, anigana waxaan ka socday xisbiga Dimuquraaddiga, marka waxa aan ku kala adkaannay waa aragtiyada iyo waxa aan dadka u qabaneyno,” ayuu yidhi Kayse Jaamac oo BBC-da u warramayay.

Maxay soo galootiga uga dhigan tahay guusha Kayse?

Kayse Jaamac, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in marka guusha la gaadho ay tahay in aan albaabbada laga xidhan dadkii ku soo doortay iyo guud ahaan dadka aad matasho.

Sidoo kale, waxaa uu muujiyay in uu rabo inuu tusaale wanaagsan u noqdo Soomaalida ku hammineysa siyaasadda dalalka ay qaxootiga ku yihiin iyo guuda haan Muslimiinta.

Kayse, ayaa qaba in iskaashiga iyo wadajirku uu keeni karo in dadka Muslimiinta ah oo Soomaalidu ka mid tahay ee gobolka Oregon ay talada wax ku yeeshaan kana mid noqdaan hoggaamiyeyaasha.

Labadii sanno ee uu xisbiga Dimuquraadiga ugu magacownaa aqalka sare, Kayse wuxuu guddoomiye ka ahaa guddiga dhanka guriyeynta u qaabilsan gobolka Oregon. Sidoo kale wuxuu xubin ka yahay guddiga shaqaalaynta iyo ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here