Shirkii Xukuumadda iyo Mucaaradka Ee Maanta oo Hal Arrin U Baaqday

0
2550

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shirkii u dhexeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka oo maanta loo ballansanaa, ayaa hal arrin darteed u baaqday.

Shirkan ay maanta ku balansanaayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka inay iskugu yimaadaan si ay uga arrinsadaan khilaafka doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan, ayaa sababta uu u baaqday la xidhiidhay Aaska Sheekh Aadan Siiro oo maanta Hargeysa lagu aasay, iyagoona ay ka qayb galeen dhinacyada isku haya siyaasada Somaliland.

Shirka oo maanta ka qabsoomi lahaa gudaha Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa sida ay ilowareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Shabakada Hargeisapress loo balamay in maalinta berrito la isku yimaado.

Sikastaba, welli waxa aan si kama danbays ah go’aan looga gaadhin labada doorasho – doorashada ururada/xisbiyada iyo doorashada madaxtooyada – ta soo hormaraysa. Waana arin keeni kara khilaaf xoogan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here