Warbaahinta Ingiriiska oo Soo Bandhigtay Haweenaydii Uu Mo Farah Eedeeyey

0
2051

London (Hargeisa Press) – Warbaahinta Ingiriiska oo Maalmihii u dambeeyay baadhid ku waday Haweenay uu Orodyahanka reer Somaliland ee Maxamed Faarax ku eedeeyay Inay si sharci-darro ah u geysay dalka Ingiriiska sagaashamaadkii, ayaa Axadda Maanta soo bandhigay Magaca Rasmiga ah ee Haweenaydaas iyo Magaceeda.

Orodyahanka Caalamiga ah ee Maxamed Faarax oo Magaciisa runta ahi yahay Xuseen Cabdi Kaahin, ayaa Toddobaadkii hore sheegay in sannadkii 1991-kii sifo aan sharci ahayn loogu soo dhoofiyey UK isla-markaana haweenaydii kaxaysay ay Addoonsan jirtay muddadii uu gurigeeda joogay.

Laakiin, Wargeyska The Sun oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer UK, ayaa baadhid iyo daba-gal dheer oo uu ku baadi-goobay gabadhaasi, wuxuu ku ogaaday in Haweenayda uu Xuseen Cabdi Kaahin eedeeyay tahay Nimco Faarax oo xilligan deggan Ingiriiska.

Wargeyska uma suurto-gelin inuu Nimco si toos ah ula xidhiidho, balse wuxuu xidhiidh la sameeyay Qoyskeeda.

Haweenaydan 54-jirka ah, ayaa qoyskeeda u sheegtay inay Maxamed Faarax oo Magaciisa Runta ahi yahay Xuseen Cabdi ay Dalka Ingiriiska ku geysay fiiso been abuur ah, balse waxay diidday isla-markaana been-abuur ku tilmaantay Inay Addoonsadeen Xuseen markii ay London geysay, eeddaas oo uu hore ugu jeediyey Orodyahanku.

Nimco Wiilkeeda Axmed oo u warramay Wargeyska The SUN, ayaa hooyadii ka soo weriyey Inay sheegtay in Qorshahii ay London ku geynaysay Maxamed Faarax uu is beddelay daqiiqadihii u dambeeyay ee ay safarka geli lahaayeen, ka dib markii ay ogaatay In Fiisaha ay sidato oo ay u malaynaysay inay saddex Carruur ahi ku dhoofi karaan ay laba keliya loo ogol yahay, taasi oo ku khasabtay inay dariiqan khaldan ku kaxayso.

Axmed oo ah Wiilka ay dhashay Nimco, ayaa mar kale oo uu la hadlay BBC-da wuxuu sheegay in hooyadii aanay wax dambi ah gelin  “Hooyaday wax qalad ah ma sameyn”.

Axmed wuxuu sheegay in xilligaa ay hooyadii ahayd gabadh yar oo haysata laba caruur ah, laguna khasbay inay Maxamed Faarax geyso London “Hooyaday waxay sheegtay inay wax walba halis u galisay inuu Mo Faarax mar nala yimaado, oo ay ula dhaqanto sidii wiilkeeda oo kale, markaa sidee loogu eedaynayaa waxyaalahan xun.” Ayuu yidhi.

Mo Faarax ayaa dhawaan sheegay in xilligii London la keenayey laga beddelay Magaciisii runta ahaa ee Xuseen Cabdi Kaahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here