Shirkadda Telesom oo Ku Guuleysatay-Shahaadooyinka Ay Bixiso Hay’adda-Caalamiga Ah Ee ISO

0
589

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda Telesom, ayaa waxaa ay ku guuleysatay shahaadooyinka ay bixiso hay’adda caalamiga ah ee International Organization for Standardizations (ISO).

Shahaadooyinkan oo kala ah: Nidaamka Maamulida tayada (QMS), Nidaamka Maamulidka Caafimaadka Shaqaalaha iyo Bad-qabka Goobaha Shaqada (OHSMS), Nidaamka Dhawrista Deegaanka (EMS) iyo Nidaamka Maamulida Amniga Xogta (ISMS).

Shirkadda Telesom, ayaa fulisay dhammaan shuruudihii caalamiga ahaa ee looga baahnaa in laga helo shirkad isgaadhsiineed.

Telesom, ayaa noqotay shirkaddii koowaad ee Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka ka shaqeysa ee  ku guuleystay shahaadooyinkan Caalamiga ah.

Munaasibadda dabaal-dega hanashadda shahaadooyinka caalamiga ah oo ka qabsoontay Maansoor Hotel ee magaaladda Hargeysa, waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan oo isku jiray maamulka sare ee shirkaddaha Telesom Group, xubno ka mid ah golaha wasiiradda, xildhibaano Golayaasha qaranka ah, Culimada dalka, bahda waxbarashadda, ganacsatada, hay’addaha calaamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo marti-sharaf kala duwan.

Maamulka sare ee shirkadda Telesom, ayaa qaatay go’aan adag oo ay ku meel marinayaan in la raaco lana fuliyo dhammaan hal-beegyadda loo dajiyey nidaamka caalamiga ah ee ISO, iyagoo u dhameystiray qaybaha shirkadda dhammaan wixii looga bahnaa si loo dhaqan-galiyo, taasina waxay keentay in hay’adii qiimeynta ku sameeysey shirkadda Telesom ee CERTITRUST ay ku qanacday in hannaanka maamul ee TELESOM waafaqsan yahay hal-beegyadda ISO.

Muhiimadda dabaqaada Nidaamka Maamulka Tayadda ee ISO 9001:2015 Quality Management System ay leedahay, ayaa ah in adeegyadda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee ay bixiso shirkadda Telesom lagu ilaaliyo heerka tayadda caalamiga ah ee looga baahan yahay shirkad isgaadhsiineed.

Ujeedada ay shirkadda Telesom u hirgelisay Nidaamka Maamulida Amniga Xogta ee ISO 27001:2013 Information Security Management System ayaa ah: horumarinta amniga macluumaadka iyo ka hortaga  khataraha xogta ay masuulka uga tahay macaamiisheeda.

Sidoo kale, Nidaamka Maamulka Caafimaadka Shaqaalaha iyo Bad-qabka Goobaha Shaqada ee ISO 45001:2018 Occupational Health and Safety Management System ee ay qaadatay shirkadda Telesom, ayaa ah in mid damaanad qaadaya jawi shaqo oo badbaado iyo caafimaad u leh shaqaalaha, qandaraas-layaasha iyo cid kasta oo hawl-gal shaqo ka fuliyana xafiisyadda iyo goobaha shaqada ee shirkadda.

Shirkadda TELESOM iyada oo dareensan masuuliyadda  ka saaran ilaalinta deegaanka iyo ka hortaga wax kasta oo waxyeelo u geyskan kara deegaanka ayaa waxay go’aasatay inay hirgeliso Nidaamka Maamulida Dhawrista Deegaanka ISO 14001:2015 Environment Management System isla markaana u hogaansanto dhammaan shuruucda ilaalinta deegaanka iyo xeerarka khuseeya.

Ugu dambayn, shirkadda TELESOM waxay ku faraxsan tahay inay si joogta ah horumar dhinac kasta ah ku sameynayso adeegyadeeda iyo nimaadkeeda shaqo ee suurto-galiyana inay bulshadadeeda ugu adeegto hanaan tayo iyo tiknoolajiyadda sare ku dhisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here