Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha-Dibedda Somaliland oo Furay Shirka Amniga Badda

0
78

Hargeysa,(HargeisaPress)–Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta furay Shir ay isugu yimaadeen daneeyayaasha kala duwan ee Arrimaha Badda Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka waxa kasoo qayb-galay dhammaan daneeyayaasha arrimaha badda oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha, Hay’adaha dawladda, Ciidamadda kala duwan ee Somaliland ee Arrimaha Badda ka shaqeeya iyo Jaamacaddaha bixiya culuumta badda iyo Hay’adda EUCAP.

Shirkan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xil weyn la isaga saari lahaa sugida amniga badda dheer ee Somaliland iyo xeebaheeda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo  iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa shirkan si rasmiya u daahfuray, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay shirkani, waxaanu hoosta ka xariiqay sida ay mihiimka u tahay in talo laga wada yeesho xaalada ka soo korodhay Badda-cas iyo badbaadinta deegaanka

Geestooda waxa iyagu khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha sidii amniga badda looga shaqaynlaha ka jeediyay Abiib Axmed Xirsi Agaasime ku-xigeenka xafiiska xidhiidhka amniga Badda iyo madaxa hay’adda EUCAP ee Somaliland Poul Severinssen, waxaaney soojeediyeen in siweyn looga feejignaado waxkasta oo badda waxyeelo ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here