Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom Oo Abaal-marin Guddoonsiisay 1,021 qof oo ka mid ah Shaqaale weynaha ka hawlgala Shirkada Telesom

1
1114

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa xaflad balaadhan oo caasimada Hargeysa ku qabatay abaalmarino ku guddoonsiisay hormoodka shaqaalaha shirkada ee dadaalka dheeraadka ah iyo kartida muujiyey sanadkii 2014ka.

Xafladan Abaal-marinta 12-aad oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa habeenimadii Jimcaha ka dhacday hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa iyo guud ahaan xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

Munaasibadan oo ahayd mid u gaar ahayd maamulka sare ee shirkadda iyo Shaqaalaha weynaha Guud ee shirkadda TELESOM waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid, Guddoomiye-Ku-xigeenka Shirkadda Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), masuuliyiinta kale ee ah hogaanka sare ee shirkadda, Guddida Fulinta oo uu hormuud u yahay maamulaha hawl-galinta Md. Ciise Maxamuud Faarax, Guddoomiyaha Baanka DAARA SALAAM Md. Maxamed Ibraahim, Guddoomiyaha Shirkadda SOMGAS Md. Cabdikariin Xaaji Muuse Muruq-liqqe, Guddoomiyaha Shirkadda Laydhka ee Telesom Electricity Company (TEC) Eng. Muuse Cali Cige, maamulayaasha iyo masuuliyiinta kale ee Qaybaha iyo Waaxaha Shirkadda iyo Shaqaale weynaha kala duwan ee shirkadda.

Xafladan Abaal-marinta 12-aad ee shaqaalaha shirkadda oo ahayd mid wax weyn laga badalay qaabkii loo qiimayn jiray iyo noocyadda hadyaha la bixin jiray sanadihii hore waxa abaal-marin la guddoonsiiyey shaqaale tiradoodu dhan tahay kun iyo kow iyo labaatan (1,021) oo shaqaale ah oo isugu jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarunta guud ee magaalada Hargeysa iyo shaqaalaha xarumaha waaweyn ee shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan. Abaal-marinta ayaa inteeda badan la guddoonsiiyey Waax kasta oo shirkadda ka mid ah, Waaxaheeda kala duwan dhawrkii qof ee keenay darajadda A+, A iyo B+.

Munaasibadan Abaal-marinta 12-aad ee Shaqaalaha oo xafiiska Shaqadda iyo Shaqaaluhu uu si weyn u soo agaasimay noocyada Abaal-marinta shaqaalaha la siinaayo ayaa ugu horeyn waxa ka hadalay maamulaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha Md. Cabdiqaadir Maxamed Sahal waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey kaalinta shaqaalahu horumarka shirkadda uu kaga jiro iyo qaabka loo qiimeeyo qofka shaqaalaha waxaanu yidhi, “Shaqaalaha la abaal-marinaayo waxay ka kooban yihiin Telesom guud ahaan kun iyo kow iyo labaatan qof (1021) shaqaalaha abaal-marinta ka helaya waanan isla naqaanay shaqaalaha A+, A iyo B+. 22 qof ayaa gobolada shaqaalaha sanadka ka ah. Xarunta Hargeysna waxa ka mid ah 18 qof qaybaheeda kala duwan intaasi waa qolada sanadkan calanka inoo sidda. Insha Allaah haddii ay sii haysan karaana way sii haysan haddii kalena waynu ku daba jirnaa. ” Sidaasi waxa yidhi Md. Cabdiqaadir Sahal.

Maamulaha hawl-galinta Shirkada Md. Ciise Maxamuud Faarax ayaa mahad balaadhan u jeediyey shaqalaha shirkadda Telesom ee hawl-karinimada iyo dadaalka dheer muujiyey sanadkii 2014. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka waramay adeegyadii ugu muhiimsanaa ee shirkadda Telesom soo kordhisay sanadkii la soo dhaafay waxaanu ku amaanay guud ahaan shaqaalihii adeegyada sida hufnaanta ah uga shaqeeyey, hadaladkiisana waxa ka mid ahaa, “Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo shaqaale weynaha shirkadda Telesom madax iyo mijaba meel kasta oo ay joogaanba waajibaadkii iyo shaqadii loo igmaday iyagoo quudka iyo risiqooda illaahay subxaanahu watacaala u qadaray ka doonanaya, haddana si hufnaana, karti leh, wadda shaqayna, walaaltinimo ah, kalkacaltooyo ah uwadda shaqeeyey uga wadda dhabeeyey ujeedooyinkii shirkaddu lahayd inay wadda xaqiijiyaan ”, Sidaasi waxa yidhi Md. Ciise Faarax.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guud ee shirkadda TELESOM Md. Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) ayaa ka hadlay sida shirkadda Telesom u tahay markasta shirkadda Koowaad waxaanu tafaasiil dheer ka bixiyey adeegyadii ugu horeeyey ee shirkadda Telesom dalka ku soo kordhisay isagoo arrimahaasi sharaxayanna waxa uu yidhi, “Shirkaddu waxay lahayd halku dhega ah ‘Telesom is first’, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee moobayl waddanka keenta, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee internet waddanka keenta, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee EVC dalka keenta, iyadoo scratch kaadh la xoqo baynu keenin in EVC-ga lacagta lagaga shubto, waxaynu ahayn, waxaynu ahayn, waxaynu ahayn way tiro badan yihiin runtii, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee ZAAD keena, haddana waxaynu keenay inay xawaaladu ZAAD-ka ku soo dhacdo” Sidaasi waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Shirkadda Maxamuud Xaaji Aadan.

Guddoomiyaha Baanka DAARA SALAAM Md. Maxamed Ibraahim oo ka mid ah marti-sharaftii xafladan kaga soo qayb-galay TELESOM GROUP ayaa sheegay in Baanka DAARA SALAAM uu yahay Baan ay shirkadda TELESOM leedahay waxaanu ka hadlay adeegyada baanku bixiyey iyo fursadaha qaaliga ah ee Baanka Salaam uu siiyo shaqaalaha shirkadda Telesom. Guddoomiyuhu oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi, “Shirkaddu shirkadaha ay dhashay waxa ka mid ah Bangiga Daarasalaam Baank. Bangiga Daarasalaam waa bangi ay leedahay shirkadda TELESOM oo laga yaabo inaan dad badan hore u ogeyn ama maqalkiisa uun maqlayeen. Haddii aanu dib ugu noqon Bangigu labaatan cisho ka dib ayuu shan jirsanayaa, waxaana laga yabaa inaan shantaa sanno malaha dad badani ay caawa uun ugu horayso magaciisa iyo in loo sheego in shirkaddu shirkaddaha ay leedahay uu ka mid yahay bangigu” Sidaasi waxa yidhi Md. Maxamed Ibraahim

Waxa isaguna munaasibadan ka hadlay Guddoomiyaha Shirkada SOMGAS Cabdikariin Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo sharaxaad ka bixiyey adeega shirkadda SOMGAS bixiso. Guddoomiyaha oo la dhacsan shaqaalaha tiradda badan ee ka soo qayb-galay xafladan ayaa shaqaalaha shirkadda TELESOM ugu baaqay inay wadda Isticmaalaan shoolada cuntada lagu karsado ee shirkadda SOMGAS iibiso.

Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo soo gunaabaday qudbadihii laga jeediyey madasha ayaa hadalo badan oo isku jira mahadnaq, dhiiri-galin, amaan iyo dardaaran u jeediyey guud ahaan maamulaha iyo Shaqaale weynaha shirkadda TELESOM, waxaanu sidoo kale booriyey shaqaalaha inay la yimaadaan hal-abuurnimo iyo currin wax weyn ku soo kordhisa horumarka shirkadda. Guddoomiye Cabdikariin ayaa yidhi, “Maxaynu hiigsanaynaa maxaynu doonaynaa inaynu gaadhno. Waynu ognahay halkii aynu ka soo bilaabnay ee ahayd inaynu moobayl iyo fixed line shirkadd ahaan shaqadeena ku bilownay, maantana halkaynu joogno waa dareensanahay….Cloude service oo ah inaynu adeeg dhamaystiran u qabano bulshadeena waa mid qorshaheena inoogu jirta sanadkan insha Allaah oo dhismihii, Waaxdii iyo shaqaalihii hawshaa hanan lahaa ay u dhamaystiran yihiin iyo qalabkiiba Insha Allaahna aynu gaadhi doono Haddii uu Alla yidhaahdo. Waxa kaloo aanu ku talo jirnaa inaynu moobaylka horumar fara badan ku samayno iyadoo dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, dhaqaalaha iyo saxaafada aynu uga faa’iidaysan doono bi’idni laahi tacaalaa. Waxaa kale oo aynu iyana horumar ku samayn doonaa sidaynu u qaybin lahayn adeegyadda kala gadisan ee aynu koox ahaan leenahay inaynu meel iskugu keeno oo aynu midayno insha Allaahu haddii Illaahay yidhaahdo ” Sidaasi waxa yidhi guddoomiyaha Shirkadda Telesom.

Xaflada Abaal-marinta Shaqaalaha ayaa si habsami ah mar qudha uga wadda dhacday gobolada dalka oo dhan waxaanu maamulayaasha shirkadda ee gobolada dalku ay iyaguna dhinacooda si toos ah ugala socdeen qudbadihii kala gadisanaa ee masuuliyiintu ka jeediyeen xafladdii Abaal-marinta Shaqaalaha ee ka socotay Hotel Ambaassador ee magaalada Hargeysa.

Maamulka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Qaybta Maamulka ayaa si wadda jir ah Abaal-marino u guddoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha hore ka galay Qaybaha iyo Waaxaha Shirkadda Telesom. Hadyadahaasi oo isku jiray lacago, laptop-yo casri ah, tablets, moobaylo Smartphone ah, Shahaadooyin iyo hadyado kale waxaana la guddoonsiiyey dhamaan shaqaalihii kaalmaha sare ka galay qiimayntii shaqaalaha ee ka kala tirsanaa xarunta guud ee magaalada Hargeysa iyo xarumaha guud ee shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here