Madaxweynaha dalka Iran oo Muujiyay heshiis laga gaaro hubka Nukliyeerka

0
1048

TEHRAN, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Iiraan, Xasan Rowxaani ayaa sheegaya in horumarka dhawaan laga gaaray wadahadallada ku saabsan Nucliyeerka uu dalkiisu kula jiray Mareykanka iyo dalal kale oo ka mid ah kuwa calaamka ay horseedi karaan xal laga gaaro muranka ku saabsan barnaamijka niyuukleerka Iiraan.

Ruuxaani ayaa intaas ku daray in arrimihii xasaasiga ahaa ee lagu heshiin waayay ay wali taagan yihiin; balse ma jirta buu yiri waxaan xal laga gaari karin, haddii la isku dayo.

“Wareeggan wadahadalada ah waxaa la wada muujiyay fikrado aad u kala duwan, kuwaas oo qaarkood uu u dhexeeyo farqi weyn, kaasoo aasaas u noqon kara heshiis kama dambays ah oo laga arrintan,“ ayuu Ruuxaani u sheegay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.

Hadalka madaxweynaha Iiraan ayaa imaanaya toban casho ka hor xilligii kama dambeysta ahayd ee la doonayay in Nukliyeerka Iiraan laga gaaro xal waara.

Sidoo kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa isna jeediyay hadal la mid ah midka uu Ruuxaani jeediyay, isagoo sheegay in la gaaray horumar, laakiinse kala qaybsanaantii horey u jirtay ay wali taagan tahay, lana filayo in af-garad laga gaaro.

“Wax xal weli lama gaarin weli ma gaarin oo dhamaad ah, laakiin waxaa jira fursado uu dhinac walba xuquuqdiisa ku heli karo” ayuu yiri John Kerry oo ku daray intaas. “Waa arrin u baahan go’aan-qaadasho siyaasadeed oo aad deg-deg u ah.”

Ra’iisul wasaaraha dhawaan dib loo doortay ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u arka dalka Iiraan inuu yahay dal khatar weyn ku ah Yuhuudda oo ay suuro-gal tahay inuu hubka Nukliyeerka u isticmaalo awood ahaan.

Laakiinse, Ruushka ayaa aaminsan in quwadda Nukliyeerka ee Iiraan aysan ahayn mid khatar ku ah dal ku yaalla caalamka, inkastoo uu xusay inay aad u wanaagsan tahay in wax walba heshiis laga gaaro.

Ugu dambeyn, wadahadallada hubka Nukliyeerka dalka Iiraan oo uuu hormuud ka yahay Mareykanka ayaa waxaa ku wehlinaya shan dal oo kala ah: Britain, Faransiiska Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here