Shir Ku Saabsan Maamulka Deegaanka iyo Isku Xidhkiisa Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
451

Hargaysa (HP): Shir ku saabsan maamulka deeegaanka iyo isku xidhkiisa ayaa loo qabtay maanta shaqaalaha Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka cimilada.
Shirkaasi oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Maxamed Cabdillaahi Ducaale.


Waxa kaloo furitaanka shirkaasi joogay , sarkaal ka tirsan UNDP Cabdi Abokor Yuusuf, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradda degaanka Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey muhiimaamada maamulka degaanka, iskuxidhka daneeyeyaasha ka shaqeeya iyo horumarkiisa iyo sidii dadka loogu baraarujin lahaa dhowrista deegaanka, tayadiisa iyo ilaalinta jiritaankiisa.


Agaaimaha guud ayaa kula dardaarmay shaqaalaha waaxaha kala duwan ee wasaarada deegaanka in ay si macno leh uga faaiidaystaan tababarada kala duwan ee loo qabto oo kor loogu qaadayo xirfadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin deegaanka.

DAAWO: Hadaladii Agaasimaha wasaaradda Degaanka iyo Sarkaalka UNDP:



Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here