Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In Shiidaal Laga Helay Degmadda Salaxley

0
413

Salaxley (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in raadad muujinaya calaamad shiidaal in laga helay degaanka Baho-dhamal oo ka tirsan degmadda Salaxley ee gobolka Maroodijeex.
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somalilanad Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa sheegay in raadad shidaal oo laga helay deegaanka Baha-Dhamal ee degmada Salaxley. Waxaanu sheegay wasiirku in ay wasaaraddaasi marin doonto hubin cilmiyeysan oo lagu xaqiijinayo noocyadda raadka shidaal iyo inuu salka ku hayn karo kayd shidaal oo weyn.
Arrintani ayaa timid kadib markii shalay la shaaciyay in Riig ceel biyood ka qodayay degaanka Baho-dhamal lagu arkay wax aad ugu eg una muuqaal iyo midab dhaw shiidaal.
Iyadoo halkii la filayay in riigu uu biyo ka gaadho, ay ka soo burqatay Saliid midabkeedu madaw yahay, taasoo muuqaal kooban oo goobta laga soo duubay lagu baahiyay baraha bulshadda ee Internet-ka.
Wasiirka Macdanta Somaliland oo maanta qabtay shir jaraa’id oo uu arrintaasi kaga hadlayay ayaa sheegay inuu dalkeena ku jiro Khayraad Shidaal oo badan, isla markaana meelo badan la baadhay, kuwo kalena wali baadhistooda la diyaarinayo.
HALKAN: KA DAAWO MUUQAALKA GOOBTA:

DAAWO: Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Macdanta Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here