Sheikh Aadan Siirro Oo U Mahad Naqay Haween Ka Qayb Qaatay Dib U Dhiska Dayrka Qubuuraha Xeedho

0
368

Hargaysa (HP): Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadam-siirro), ayaa mahad naq balaadhan u jeediyay haween ku kala nool  dalka dibadiisa iyo gudihiisaba oo ka qayb qaatay dib u dhiska Dayrka Qubuurihii hore ee Xeedho.

Waxaanu sheekhu haweenkaasi ALLE SWT uga baryay inuu miisaanka xasanaadka ugu darro sida wanaagsan ee ay uga soo jawaabeen baaq uu hore sheekhu u diray markii uu dumay Dayrka Qubuurahaasi.

Sheikh Aadan Siirro, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in haweenkaasi oo laba ka mid ah ay degan yihiin dalka Ingiriiska midkoodna magaaladda Hargaysa in waalidkood ay ku aasan yihiin Qubuurahaasi.

Kuwaasoo uu si weyn ugu amaanay sida deg deg ah ee ay uga soo jawaabeen baaqii uu bulshadda u diray xiligii uu dumay Dayrka Qubuurihii hore ee Xeedho, oo ku yaalla Woqooyiga magaaladda Hargaysa.

 

DAAWO: SHEEKH AADAN SIIRRO OO HAWEENKAASI U MAHAD CELINAYA:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here