Guddoomiyaha Degmadda Qoryaale Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degmadda Baaqna U Diray Qurbe Joogta

0
429

Qoryaale (HP): Degmadda Qoryaale oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa sanadihii danbe waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha arrimaha nolosha bulshadda aasaasiga u ah.

Sida dhinacyadda waxbarashadda, caafimaadka, nabadgeliyadda, dhismaha xarumaha dawladda, wax ka qabashadda Qashinka iyo maarayntiisa iyo kor u qaadista nadaafadda iyo bilicdda magaaladda.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmadda Qoryaale C/raxmaan Siciid Cawad, oo maanta warbaahinta dawladda Somaliland uga warbixiyay xaaladda guud ee magaaladaasi.

C/raxmaan Siciid Cawad, waxa uu sheegay in guud ahaanba xaaladda nabadgeliyo ee degmaddu in ay wanaagsan tahay, isla markaana ay sanadihii u danbeeyay ku talaabsatay horumar la taaban karro.

Waxaanu intaasi raaciyay guddoomiyuhu in waxyaabo badan oo baahiyaha aasaasiga ah u ah nolosha bulshadda in ay wax ka qabteen sida caafimaadka, amniga, gaadiidka waddooyinkii.

C/raxmaan Siciid Cawad, waxa uu sheegay in waxyabao badan ay qabteen mudadii uu xilka hayay, sida dhismaha xarunta dawladda hoose, dhismaha hoolka shirarka dawladda hoose, gaadiidka magaaladda u shaqeeya gaar ahaana kuwa qashinka ka qaadda.

Isagoona xusay in ay hirgeliyeen Godkii qashinka oo meel magaaladda ka fog ay ka qodeen, si nadaafadda magaaladda kor loogu qaado, fayo-dhawr ahaan.

Guddoomiyaha Qoryaale, waxa kaloo uu tilmaamay in ay haystaan gaadhigii booliska, isla markaana ay dib u habayn ku sameeyeen booliska degmadda.

C/raxmaan Siciid Cawad, waxa uu sheegay in  dhinaca waxbarashadda ay horumar muuqda ka sameeyeen, iyadoona dugsiga sare  ee degmadaasi ardaydii ka baxday ay sanadkii hore dalkoo dhan ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ah.

 

Geesta kale C/raxmaan Siciid Cawad, waxa uu xusay in qurbe joogta u dhalatay degmadaasi oo waayadii hore magaaladda horumarkeedda ka qayb qaadan lahaa in aanay labadii sanadood ee u danbeeyay magaaladda imanin.

Sidaasi darteedna wixii ay qaban lahaayeen ama ay ka qabsan lahaayeen magaaladda ee dhinaca horumar ah in aanu u suurto gelin, caabuqa Coronavirus ee dunidda ka jira oo xanibay qurbe joogtii awgeed.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmadda Qoryaale, waxa uu sheegay in Togga dhex marra magaaladdu uu markii hore dhibaato ku hayay magaaladaasi, balse ay imika arrintaasi wax ka qabteen, isla markaana ay intiisa badan ku xidheen Gebyan.

 

DAAWO: Guddoomiyaha Qoryaale Oo Arrimahaasi Faahfaahinaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargiesa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here