Togdheer: Bulshadda Deegaanka Qayo-malaas Oo Isku Tashi Ku Dhisanaya MCH

0
427

Burco (Hargeisa Press): Waxaa maanta laga dhagax dhigay deegaanka Qayo-malaas oo ka  tirsan gobolka Togdheer xarun caafimaad ama MCH  ay isku tashi ku dhisanayaan bulshadda deegaankaasi.

Deegaanka Qayo-malaas ayaa la tilmaamay in aanu hore uga jirin wax xarun caafimaad ah, taasoo ay dhibaato weyn ku qabeen dadka deegaankaasi ku nool.

Dhismaha xaruntan caafimaad waxaa iska kaashanaya bulshadda deegaankaasi oo isku tashatay, kadib markii ay muddo u soo dhabar-adaygayeen dhibaatadda ka haysatay helitaanka xarun caafimaad.

Waxaana xaruntaasi caafimaad wada jir u dhagax dhigay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.

Bulshadda ku nool deegaanka Qayo-malaas ayaa si weyn u soo dhaweeyay helitaanka xaruntan caafimaad, oo ay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen.

Maadaama oo deegaankaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha caafimaadku, isla markaana deegaankaasi uu yahay mid aad u balaadhan.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa ka codsaday wasaaradda dawladda Somaliland in ay ka gacan siiso hirgelinta dhismaha xaruntaasi caafimaad ee ay iyagu bulsho ahaan isku tashiga ku dhisanayaan.

Geesta kale, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamed Yuusuf, oo halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in ay ka wasaarad ahaan ka qayb qaadanayaan higrelinta dhismaha MCH-kaasi.

Haday noqoto dhismaha, keenista daawadda ee  marka la dhamaystiro iyo shaqaalaha ka hawl geli doonaba in ay ka qayb qaadan doonaan ka wasaarad caafimaad ahaan.

 

DAAWO: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here