Al-Shabaab oo Dad Shacab Ah Ka Afduubtay Gobolka Sanaag

0
2579

Ceerigaabo (Hargeisa Press) — Maleeshiyo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saddex qof oo shacab ah oo ka ganacsada dahabka buuraha laga soo qodo waxay ka afduubteen deegaanka Milxo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Waxaana la sheegay in deegaankaasi ay saqdii dhexe ee habeenimadii xalay ay mudo saacado ah gacanta ku hayeen.

Al-Shabaab ayaa dagaal kooban kadib gudaha u gashay deegaankaasi oo u dhexeeya deegaaka Durduri iyo degmada Laasqoray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dagaal kooban la galeen dadka deegaanka, kuwaas oo markii dambe laga adkaday.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa dagaalka kadib lagu soo warramayaa inay afduubteen guddoomiyihii deegaanka Milxo, Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo shakhsiyaad kale.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana go’an is-gaadhsiinta deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus weli laga dareemayaa duleedka degmada Laasqoray.

Shalay ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay hub badan oo laga keenay dalka Yemen, kala soo dageen deegaanka Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here