Shaqaalaha D/Hoose Ee Laascaanood Caynaba iyo Ceerigaabo Oo Tababar Loo Xidhay

0
875

Hargaysa (Hargeisa Press): Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa tababar u soo xidhay xubno ka kala socday degmooyinka Laascaanood, Caynaba iyo Ceerigaabo.
Tababarkaasi oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana tababarkaasi loo qabtay xubno ka kala socday dawwladaha hoose ee degmooyinka Caynaba, Laascaanood iyo Caynaba.
Kuwaasoo lagu tababarayay sida loogu shaqeeyo nidaamka horumarinta dhsqaalaha dawladaha hoose ee saddexdaas degmo.
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo xidhitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedadda laga lahaa tababarkaasi ay ahayd nidaamka habaynta bixinta liisamadda ganacsiga ee ay bixiyaan dawladaha hoose.
Arrinta ugu muhiimsan ee tababarkaasi ka qayb qaateyaasha lagu barayay ayaa diiwaangelinta ganacsiga iyo bixinta liisamadda ganacsatadda.
Sida uu sheegay macalinkii tababarka bixinayay Prof. Siciid Aadan Caabi, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiintaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here