Siyaasi Jaamac Shabeel oo Isbarbardhig Ku Sameeyay Xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Xisbiga Kulmiye

0
2039

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadley dhacdadii masuuliyiinta xisbiga Kulmiye kula kaceen siyaasi Qabo.

Waxuu waxlaga xumaado ku tilmaamay falkaasi lagula kacay Siyaasi Qabo isagoo tilmaamay in si caddaalad ah aan loogu tartamayn murashaxnimada Kulmiye oo cid gaar ah kooto loogu xidhayo.

Jaamac Shabeel ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku hadhay xisbiga Kulmiye ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Biixi jecelyahay, balse buu yidhi uu ka dhiganayo salaan uu jaranjarada xisbiga ku fuulo.

Siyaasiga ayaa isbarbardhig ku sameeyay xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay in falalka ka dhacaya Kulmiye aanay ka dhici jirin xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here