Shacabka Turkiga oo U Dabaaldegay Maalinta-Xoriyadda iyo Erdogan oo Ka Hadlay

0
553

Ankara (Hargeisa Press) – Shacabka dalka Turkiga, ayaa waxaa ay u dabaal-degeen sannad-guuradii 99aad ee maalinta Xoriyadda ee dalkooda, iyada oo Madaxweyne Erdoğan uu ka hadlay xuska maalinta xoriyadda.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa dhambaal u diray shacabka dalkiisa xuska 99-guuradii ka soo wareegtay maalinta xoriyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

Dhambaalkan oo uu ku baahiyey xuska maalinta jamhuuriyadda dalka ee 29 Oct,Erdogan waxa uu ku sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay in uu u dabaaldego sannad-guurada 99-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Isagoo u hambalyeeyay qof kasta oo ku nool 81-ka gobol ee Turkiga iyo malaayiin muwaadiniin ah oo ka kala yimid daafaha adduunka oo dhan maalinta Jamhuuriyadda, Madaxweyne Erdogan wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadka la wadaagay farxadda ciidda ee Waddankiisa.

Erdogan, isagoo xasuusanaya aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal AtatΓΌrk, iyo xubnaha waddaniga ah ee baarlamaanka Turkiga, geesiyaashii u soo hooyey gobonimada iyo madax-banaanida Turkiga, waxaana lagu xusay dhammaan mujaahidiinta.

Xuska Dabaaldegga maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, ayaa si weyn looga Xusaa dhammaan 81-ka gobol ee Turkigu ka kooban yahay.

Shiine Cilmi Kaahin

Istanbul Turkey

May be an image of 5 people and people standing

May be an image of 4 people, people standing and outdoorsMay be an image of 1 person

May be an image of 1 person and suit

May be an image of 14 people, people standing and outdoors

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here