Sarkaal Milateriga Somaliland Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa

0
2958

Hargeisa (Hargeisa Press) – Sarkaal ka tirsan ciidamada Millatariga Somaliland ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay magaalada Hargeysa.

Sarkaalka la diley oo lagu magacaabo Maxamuud Jaamac Axmed (Ina Jaamac Dhagjar) ayaa la sheegay inuu dilay nin ka tirsan ciidan uu isagu madax u ahaa.

Waxaana uu Askarigu ku dhextoogtay sarkaalka agagaarka xerada Warshadda Kabista magaalada Hargeysa, salaadii cishaayi kadib.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dilka Sarkaalka uu Askarigu u adeegsaday rasaas.

Maydka Sarkaalka ayaa ciidamada Boolisku ka qaadeen goobtii dilka loogu gaystay.

Qaar ka mid ah ehelka Sarkaal la toogtay ayaa sheegay in uu ka soo baxay masaajidka, kaddibna uu tegay xerada ciidankii uu maamulayay, halkaasna lagu dilay.

Sidoo kale, Askarigii dilka geystay ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday, iyadoona ay ciidamadu ku raad joogaan soo qabashadiisa.

Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysay dilka sarkaalka, ciidaamada amaanka ayaa sidoo kale ilaa iyo hada ka hadlin dilka sarkaalka.

Somaliland ayaa waxaa mudooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay dilalka loo geysanayo Saraakiisha kala duwan ee ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here