Saraakiil iyo Askar Turkigu U Tababaray Soomaaliya oo Ku Dhintay Dagaalka-Laascaanood

0
6393

Laascaanood (Hargeisa Press) – Saraakiil iyo Askaer ka tirsan Ciidanka Soomaaliya oo ka garab dagaalamayay kooxaha qaska ka wada magaalada Laascaanood, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Dagaalka gobolka Sool.

Waxaanay Askartan iyo Saraakiishaaso qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka weerarka ku haya fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool.

Askartan iyo Saraakiisha gudaha Laascaanood ku dhimatay ee Ciidanka Soomaaliya ka tirsan, ayaa waxa ka mid ah Sarkaal lagu naanayso Carabay oo ka tirsanaa Ciidanka loo yaqaano Gorgor ee ay Dowladda Turkigu u soo tababartay Maamulka Soomaaliya, kaasoo sida la aaminsan yahay isaga iyo Ciidan kale oo badan ay gudaha Laascaanood soo galeen intii ay taagnayd shaqaaqada Magaaladaasi ka socota.

Cadaymaha dhimashada sarkaal derejadiisu ahayd saddex xiddiglaha, waxa xaqiijiyay qaar ka mid ah Ciidamadiisa iyo dad aqoon u leh oo ka tacsiyadeeyay baraha bulshada, iyadoo sawirkiisu si aad ah loogu baahiyay warbaahinta.

Waxa kale oo la xaqiijiyay inuu dagaalka socday maalmihii la soo dhaafay ee Laascaanood uu ku dhaawacmay Sarkaal lagu magacaabo Col. Cali Jaamac Xaashi (Cali Dhafoor), kaasoo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Ciidan ka tirsan Maamulka Puntland oo fadhigiisu ahaa deegaanka Daarusalaam, halkana ka soo dagaal galay.

Col. Cali Dhafoor, ayaa ka soo jeeda Beesha Majeerteen, waxaana la rumaysan yahay in isaga iyo Ciidan uu wataa soo galeen gudaha Laascaanood toddobaadyadii u dambeeyay.

Kuma koobna oo kaliya labadan sarkaal Ciidamada ka tirsan Soomaaliya ee ka qayb-qaadanaya Dagaalka lagu soo qaaday Magaalada Laascaanood, balse waxa jira tiro intaas ka badan oo saraakiil iyo Askar isugu jira oo la aqoonsaday magacyadooda iyo deegaamada ay ka yimaadeen, kuwaasoo ilaa shan kamida sawirradooda la helay, dhamaantoodna ah dhalinyaro ku jira Ciidankii Turkigu u soo tababaray Maamulka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gorgor.

Dowladda Somaliland, ayaa hore u sheegtay inay xooggag shisheeye oo fidmo-wadayaal ahi duullaan ku soo qaadeen Magaalada Laascaanood, kuwaasoo ka shidaal qaadanaya meelo kala duwan, isuguna jira kooxo Argagixiso ah iyo maleeshiyaad ka yimi Maamulka Soomaaliya ee Puntland.

Warbaahinta caalamka iyo ta gudaha, ayaa hore u soo bandhigay wajiyada saraakiil xidhiidhka la leh Kooxda Alshabaab oo Laascaanood ka dagaalamaya, waxaana hadda cusub inay dagaalka qayb ka yihiin Ciidan iyo hogaamiyeyaal ka amar qaata Dowladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya oo ay Beesha Caalamku siiso Ciidankeeda mushaharka iyo saadka, taasoo iyaduna waji kale u yeellaysa xiisada colaaddeed ee taagan.

Waxaanay tani sii xumaynaysaa cawaaqibka dagaalkaasi oo ay xukuumaddu deddaal badan gelisay sidii looga baaqsan lahaa, balse ay hurriyeen darafyada duullaanka ah ee doonaya inay Magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool noqdaan mandaqad hoy u ah nabad-gelyo darro iyo xasilooni la’aan.

Arrimahan ayaa hal-xidhaale ku ah Isimada dhaqanka iyo guddiyada rayidka ah ee ku dooddaya in dagaalka ka socda Maagalada Laascaanood uu u dhexeeyo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhalinyaro deegaanka ah oo hubaysan, kuwaasoo ay taladoodu sababtay qaraxa Dagaalka dhiigu ku daatay iyo inay Magaaladaasi gabood u noqoto kooxaha dagaalyahannada ah ee kala ujeeddooyinka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here