Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay In Markale La Soo Weeraray Ciidamada Qaranka

0
2347

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Saaka markale Ciidamada qaranka ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Kooxaha Xagjirka ah ee ku soo duulay nabad-gelyada magaalada Laascaanood.

Xukuumadda, ayaa sheegtay in subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am, ay Kooxahaasi dagaal ku soo qaadeen Ciidamada qaranka ee ku sugan Xeryahooda.

Waxay sheegtay in ay hore ugu dhawaaqday kuna cel-celisay xabbad-joojin bilaa shuruud ah, balse xabbad-joojintii ay markale jabiyeen kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood.

Xukuumaddu, waxay sheegtay in la soo weeraray Xafiiska Badhasaabka Gobolka Sool, fadhiisimada Ciidamada qaranka ee magaalada Laascaanood, isla markaana ciidanku dhankiisa uu weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii uu socdo.

Waxay intaasi ku dartay in ciidanku ay weli ku taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Somaliland, ee ay dhowrka jeerna ku celisay, in ay qaadatay xabad joojin hal dhinac ah.

Sidoo kale, waxaa ay sheegtay in shacabka Laascaanood ay la midyihiin shacabka kale ee reer Somaliland, laakiin ay jiraan kooxo argagixiso, oo aan ogolayn in ay xabad joojontu hirgasho, kuwaas oo gabaad ka dhiganaya shacabka.

Xukuumadda, ayaa sheegtay in maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya uu aaga Tukaraq ka wado dhaq-dhaqaaq ciidan isla markaana uu rabo in uu dagaal ka bilaabo jihooyin cusub.

Ugu dambayntii, Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay ogaysiinayso Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay weli xabbad -joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here