Culimada Soomaaliya oo Ku Baaqay In Dagaalka Laascaanood La Joojiyo

0
1614

Muqdisho (Hargeisa Press) – Culimada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay baaq nabadeed ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Culimada Soomaaliya oo shirkooda ka soo saaray lix qodob, ayaa waxaa ay sheegeen inay aad iyo aad uga xun yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Waxaanay sheegeen inay ka tacsiyeynayaan dhammaan dadkii ku geeriyooday dagaalka, islamarkaana ugu duceynayaan inta ku dhimatay in Allah u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa ku dhaawacmayna in Ilaahay u booga-dhayo.

Culimadan, ayaa waxaa sheegeen inay ku baaqayaan in Ilaahay laga baqo, dadkana loo tudho, dagaalkana si degdeg ah loo joojiyo.

Xukuumadda Somaliland iyo Odayaasha Dhaqanka gobolka Sool, ayay sheegeen inay ugu baaqayaan inay arrimaha taagan ku dhameeyaan wadahadal iyo is qancin, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo dhiig dambe oo daata.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay ugu baaqayaan dhammaan dadka samaha jecel, sida culimada, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, dowladaha iyo cid kasta oo wax ka gaysan karta inay kaalintooda ka qaataan, sidii loo xalin lahaa mushkiladda taagan iyo khilaafka.

Waxaa ay dhinaca kale digniin u direen Bulshada Soomaalida, iyagoo uga digay wararka beenta ah ee ay ka wadaan barraha bulshada ee sii hurineysa colaadda ah, una sameynaysa wejiyaal cusub iyo fasiraad aan jirin, sida in la qabyaaladeeyo ama la diimeeyo.

Culimada Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen inay ummadda Soomaalida ugu baaqayaan in ay taageero iyo gurmad degdeg ah u fidiyaan dadkii dhibku ka soo gaadhay dagaalka iyo kuwa ku barakacayba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here