Safaaradda Taiwan oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Ku Wareejisay Agabka-Keydinta Xogta Bukaanka

0
1589

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo ay Wehelinayaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta agabka Kaydinta Xogta Bukaanka kala wareegay Safaradda dalka Taiwan.

Xafaladda lagula kala wareegayay agabkan oo saaka ka dhacday hall-ka Cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb-gelay Safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday Hirgelinta Barnaamijkan iyo marxaladihii uu soo maray iyo sida ay muhiimka u tahay in la kaydiyo Xogta Bukaanaka si mar walba loo heli karo xog dhamaystiran oo laga duuli karo, iyadoo Wasaaradda horumarinta Caafimaadkuna ahmiyad gaar ah siisay sidii uu u midho dhali lahaa barnaamijkani, oo wax weyn ka tari doona kaydinta iyo maamulka xogta Bukaanka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Safaaradda Taiwan kala wareegay Agabkan lagu kaydinayo Xogta Bukaanka, ayaa sheegay in mashruucani noqon doono mid Bukaanka ka Caawiya maalinta ugu horaysa ee uu soo galo ilaa marka ugu dambaysa ee uu baxo in la kaydiyo xogtooda, mar kale haday soo noqdaana si sahala loo heli karo xogtooda oo dhamaystiran.

Waxaanu wasiirku u mahadceliyay Safaaradda iyo dalka Taiwan sida ay marwalba ugala shaqeeyaan horumarinta adeegyada Caafimaadka, isagoona shaqaalaha Caafimaadka kula dardaarmay inay ilaaliyaan Qalabkan sidoo kalana bartaan dayactirkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here