Kulan Dhexmaray Wasiirka Warshadaha iyo Ururka Warshadleyda

0
572

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Marwo Aamina Cilmi Fariid, ayaa kulan la yeelatay Madaxda Ururka Warshadleyda dalka.

Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Wasaaradda Maalgashiga, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cismaan Siciid, Agaasimaha Waaxda Warshadaha Fu’aad Rashiid Bullo iyo Guddoomiyaha Ururka Warshadleyda Dalka sida Guddoomiyaha iyo Xubno ka mida Ururka.

Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay wada shaqeynta u dhexeysa iyo horumarinta kaabayaasha Warshadleyda dhinaca ka faa’iideysiga mashaariicda hay’addaha caalamiga

Labada dhinaca, ayaa isla qaatay diyaarinta deraasad la xidhiidha in kheyraadka dalka dhinaca warshadeynta looga faa’iideysan karo.

Kulankan, ayaa lagaga wada xaajooday u diyaargarowga qabashada shirka wadatashiga Xeerka Warshadaha oo ay Wasaaraddu soo gabagabeysey iyo sidii loo diyaarin lahaa Sanduuqa Horumarinta Warshadaha dalka oo Xeerka Warshaduhu dhigayo iyo sidii hay’addaha caaalamiga ahi uga qayb qaadan lahayeen Sanduuqan.

Sidii loo fudaydin lahaa loona dhiirigelin lahaa Cashuur dhaafka Xukuumadu siiso Warshadleyda iyo sidii loo fududeyn lahaa adeeg helidooda (Hal Goob).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here