Riyaadh (Hargeisa Press)- Waxaa Twitter-ka ka bilaabmay olole lagaga soo horjeedo Fatastiin oo loogu magac daray “Falastiin ma aha qadiyadayda”, kaasi oo dad badan rumeysan yihiin inuu jawaab u yahay sawir gacmeed uu farshaxamiiste reer Falastiin ah uu ku aflgaadeeyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Waxaa la rumeysan yahay in Dowladda Sacuudigu la safatay Israel, islamarkaana ay ka dambeyso faafinta hashtagga #فلسطين_ليست_قضيتي, si ay u faafiso qoraalo ujeedkoodu yahay olole wasakhayn ah oo ka dhana bulshadda Falastiin iyo taageeroyaashooda.
Sida uu daabacay Wargeyska The Jerusalem Post, Falanqeeye siyaasadda Falastiin oo ku sugan Ramallah, ayaa sheegay “ shaki kuma jiro in dad dhowr ah oo kasoo jeeda Sacuudiga ay ka dambeeyaan ololahan. Sidoo kale waa ay caddahay in ay taageero ka helayaan Israel.”
Intaas waxaa dheer sawirro muujinaya hooyo u dhalatay Falastiin oo quudinaysa ilmaheeda iyadoo isticmaalaysa quraarad lagu qoray “Nacayb iyo Khiyaano,” sidoo kale hadalheynta Twitter-ka waxaa ku jiray qoraalo dadka Falastiin ku eedeynaya dad aan la aamini karin oo nacayb uu ka buuxo islamarkaana ay abuurayaan kicin ka dhan ah Sacuudi Carabiya.
Qoraal uu soo qoray nin u dhashay Sacuudiga oo twitter-ka ku soo gala Mohamed Alsalboukhi ayaa ku eedeeyay dadka Falastiin in aan la aamini karin islamarkaana ay dhulkooda ka iibinayaan Yahuudda.
Qoraal kale waxaa uu ku yidhi “Muxuu Sucuudigu ka helayay taageeradda Falastiin tobanaan sano ka hor, malaayiinta uu siinayay iyo dhismaha Falastiin iyadoo qaar Falastiiniyiinta ka mid ah ay u imanayeen inay Sacuudiga weeraraan… cayaartaasi waa ay dhamaatay, af cidlo ah hanoogu qoslinina.”
Xidhiidhka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Falastiin ayaa xumaa labadii sano ee lasoo dhafay, sababo la xidhiidha xidhiidhka dhow ee boqortooyadda kala dhaxeeya Mareykanka iyo Israel.
Xiisadda labada dal u dhaxaysa ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay markii maamulka Donald Trump uu shaaca ka qaaday arrinta muranka dhalisay ee uu ku tilmaamay “heshiiskii qarniga”. Sacuudigu waxaa ka mid ahaa taageerayaasha qorshaha Mareykanka, kaasi oo Israel siinaya dhulka Falastiin ee Qudus.
Dad badan ayaa ka falceliyay qoraalka twitter-ka ee Sacuudiga, waxaanay abuureen halhays ah “Falastiin waa qadiyadayda,” waxayna ku doodayeen in meel looga soo wada jeesto hindisaha lagu cabudhinayo Falastiin.
Qaar ka mid ah qoraaladda ayaa ku sheegay Maxamed Bin Salmaan inuu yahay “Yahuud kal-kaal”.
Saxafiga Majed Abdel Hadi ayaa difaacay dadka Falastiin waxaana uu xaqiijiyay in Falastiiniyiintu ay safka hore u taaganyihiin in ay iska difaacaan duulaanka Yahuud kal-kaalka.
Waxaa uu qoray “laakiin waxaad leedahay walaalo Yahuud kalkaal ah kuwaas oo riyal lasiiyo si ay u taageeraan. Kadiba si khaldan ayay ugu eedeynayaan in uu dhulkooda iibinayo.”
Ahmed Al-Baqri oo u dhashay Masar ayaa ka dhawaajiyay in Falastiin uu ku socdo weerar qadhaadh oo beegsanaya dhulkooda iyo taariikhdooda: “maamul uun, qaran madax banaan oo Falastiin leedahay ayaa ku soo biiri doona dadka kale ee aduunka, kasokow cadowga iyo xulafadiisa.”
Dad badan aya sidoo kale ka digay khatarta ay ledahay in mas’uuliyiinta Sacuudigu ay la qabsadaan sheekada Israel, taasi oo sababaysa khatar ka dhan ah mustaqbalka Falastiin.