Warbaahinta Dalka Uganda oo Waxka Qortay 29 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland

0
3829

Kampala (Hargeisa Press)- Warbaahinta dalka Uganda ayaa wax ka qoray Sannad guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 1991-kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, taasi oo daraad looga dabaal-degay dalka.

Warbixin uu qoray Warsidaha East Africa Business Week, ayaa ciwaan looga dhigay “Somaliland waxa ay u dabaal-degtay 29 guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanideeda.” Waxaanu East Africa Business Week sheegay in xannuunka Covid 19 ee caalamka faraha baas ku hayaa uu saameeyey xusaskii waaweynaa ee Jamhuuriyadda Somaliland ku muuneyn laheyd Munaasibadda 18ka May.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska East Africa Business Week, in Somaliland ay si aan kala go’ laheyn caalamka uga dalbanayso in loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Waxa kaloo Wasiir Sacad tilmaamay inkastoo aanay Somaliland deyn ka helin baanka Adduunka, haddana ay wax ka qabato baahiyaha dadkeeda.

East Africa Business Week waxa uu xusay in Somaliland laga furay sannadkii 2012kii Wershada Coca Cola oo noqotay maalgashiga ugu ballaadhan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay tan iyo markii Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, waxaanu xusay in wershada sharaabka SBI lagu maalgeliyey 17 Milyan oo Doolar.

Waxa kaloo uu ka hadlay Shirkadda Dahabshiil ee Somaliland oo uu ku sifeeyey horyaalka xawaaladaha lacagta ee Afrika, taasi oo ka shaqeysa 150 dal oo caalamka ku yaalla.

Sidoo kale, Shabakadda Eagle Online ee dalka Uganda ayaa daabacay qormo dheer oo lagu faahfaahiyey sooyaalkii siyaasadeed ee marxladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay gaar ahaan xiligii ay ahayd mustacmaradii Ingiriiska, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka iyo khasaarihii Somaliland kala kulantay midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya. Waxana qormadaas  qoray Ismaaciil Yuusuf Aadan oo ka qalin jabinaya Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu ku iftiimiyey inay Somaliland tahay qaran istaahila in la aqoonsado isla markaana ay dhammaan buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here