Saan-saan Colaadeed Oo Ka Taagan Magaaladda Dhuusamareeb

0
557

Dhuusamareeb (Hargeisa Press.com): Xaalad dagaal iyo saan-saan colaadeed ayaa laga dareemayaa magaaladda Dhuusamareeb iyo degaamo ka tirsan meelaha uu ka taliyo maamulka ehelu-suna Waljameeca.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladda magaaladu kacsan yahay laga-na dareemayo abaabul dagaal, kadib markii ay maanta Dhuusamareeb gaadheen ciidamo ka yimid Muqdisho oo diyaarad lagu keenay halkaasi.

Waxaana la soo weriyay in ay muuqdaan abaabul dagaal oo ay ku jiraan dhinacyadda kala ah maamulka Galmudug ee Ehelu-suna Waljameeca iyo sidoo kale ciidamadda dawladda federaalka Soomaaliya.

Ehelu-suna, oo war ka soo saaray xaaladahan ka soo cusboonaaday Galmudug waxay sheegeen in dawladda federaalka Soomaaliya ay weerar ku soo qaaday Galmudug, isla markaana ay jebisay gebi ahaanba heshiisyadii ay hore wad agaadheen.

Ibraahim Xaashi, oo ah madaxa warfaafinta ee xafiiska xukuumadda Galmudug kana mid ah saraakiisha sare ee Ehelu-san oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka in ay ciidamo ku soo daabushay degaamadda Galmudug, kuwaasoo xasilooni darro ka abuuray degaanka.

Waxaanu xusay in ciidamadda laga keenay Muqdisho ay hogaaminayaan ragg hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab.

Waxaanu yidhi β€œDawladda federaalka Soomaaliya waxay ka baxday heshiiskii ay la gashay maamulka dawlad goboleedka Galmudug, Ehelu-suna Waljameeca. Waxaanay taas ka door bideen dagaal qaawan.

Iyagoo magaalooyinka Galmudug ka soo buuxiyay ciidamo ay gadh-wadeen ka yihiin madax ka tirsanayd argagixisadda Al-shabaab. Taasoo meesha ka saartay nabadgeliyadii ay haysteen degaamadda Galmudug iyo maamulka iyo shacabka reer Galmudug”.

Ehelu-suna ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidamadda Galmudug in ay diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba.

Ibraahim Xaashi, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi β€œkadib markaan aragnay in ay bur-bureen dhamaanba heshiisyaddii la galay, khatar weyn-na muuqato.

Waxaa loo sheegayaa, lana farayaa, ciidamadda galabka sida iyo shacabka reer Galmudug in ay u diyaar garoobaan difaaca, dadkooda, naftoodda, dalkooda iyo diintoodaba. Β Ilaaliyaana nabadgeliyadda far aka baxday”.

Geesta kale Β Ehelu-suna ayaa baaq u diray beesha caalamka iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen in wixii dhibaato ah yimaadda ay masuul ka noqonayso dawladda federaalka.

Sidoo kale waxay ka codsadeen hogaanka ciidamadda shisheeye ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM Β in aanay ciidamadoodu qayb ka noqon duulaanka lagu soo qaaday, isla markaana haddii ay taasi dhacdo ay iska difaaci doonaan.

β€œBeesha caalamka iyo saaxiibadda Soomaaliya, Β waxaan u cadaynaynaa in dhibaatadda halkaa ka timaadda ay masuul ka noqonayso dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa kaloo aan beesha caalamka u jeedinaynaa in ay doorkoodda ka qaataan arrinkan.

Madaxda AMISOM waxay noo sheegeen in aanay arrinkan qayb ka noqon doonin, ee ah duulaankan qaawan.

Cidii ku soo duusha magaca AMISOM, waxaan u arkaynaa in ay yihiin kuwo ku soo duulay in ay naqabsadaan, waanan iska difaaci doonaa”ayuu Ibraahim Xaashi, oo warbaahinta u akhriyay bayaanka ay Ehehelu-suna soo saareen.

Dhinaca kale dawladda federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadal ama wax war ah ka soo saarin xaaladahan ka soo cusboonaaday Galmudug, gaar ahaana magaaladda dhuusamareeb.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here