Akhriso: Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Ee Ka Dhashay Roobkii Hargeysa Ka Da’ay

1
882

Hargeisa (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee Saddex qof ayaa ku dhintay Hargeysa kadib markii roob weyn oo dabeylo watay uu ka da’ay galabta caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda, sida uu xaqiijiyey Madaxa Xog ururinta ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Yuusuf iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa caddeeyey in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa la keenay dhaawaca 11 qof oo  kala ah  7 rag ah iyo 4 Haween ah, waxaanu  uu xaqiijiyey in saddexda qof ee dhintay ay dhammaantood rag ahaayeen.

Jaamac Xaaji Axmed Cabdi  Badhasaabka Maroodi Jeex wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay saddexdaas qof ka dhinteen, waxaanu Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiinna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Badhasaabku wuxuu intaasi ku daray in roobkaas debaysha watay uu dumiyey guryo badan oo aan wali tirakoobkooda saxda ah la xaqiijin Karin, waxaanu intaas ku daray in khasaaraha rasmiga ah lagu sameyn doono tirokoob sugan.

Geesta kalena, Madaxa Xog ururinta ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Yuusuf wuxuu intaas ku daray in saddexda qof ee dhintay uu ku soo dumay gidaar,  waxaanu  in Gaadiidka Ambalaasyada loo kala diray degmooyinka caasimadda si ay u soo daad-gureeyaan dadka dhibaatadu ka soo gaadhay roobkaas khasaaraha dhaliyey.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here