Saamaynta Abaareed Ee Ka Taagan Gobolka Sool oo Sii Xumaatay (Warbixin)

0
905

Laascaanood (Hargeisa Press) – Abaaraha ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland, ayaa noqday mid soo noqnoqda, taasoo uga sii dareysa xaaladda bini’aadantinimo.

Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad 7.7 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo lagana yaabo in tiradaasi ay kororto.

Dhacdadan masiibadan dabiiciga ah waxaa tusaale u ah dadka ku dhaqan gobolka Sool ee bariga Somaliland.

Sida lagu sheegay warbixin, abaarta ka jirta miyiga, ayaa saamayn xun ku yeelatay nolosha magaalada, sida lagu arkay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa si gaar ah u saamaysay iyadoo ay ugu wacan tahay qiimaha badeecooyinka aasaasiga ah oo kor u kacay, isu-socodka miyiga iyo magaalooyinka.

Dadka ka soo hayaamay miyiga oo ay dabada ka riixayaan abaaro soo noqnoqday oo xoolihii ka dhammaystay 80% oo ah tiirka ugu weyn ayaa sidoo kale waxa ka dhashay sicir barar aad u sareeya.

Ma aha magaalada Laascaanood oo kaliya in ay ka jiraan wakhtiyadan adag gaar ahaan, bisha barakaysan ee Ramadaan ee waa guud ahaan bariga dalka Somaliland iyo qaybo ka mid ah galbeedka.

Sida laga soo xigtay Guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland, Roobabkii Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Sanaag, Sool iyo Togdheer oo aan si joogto ah u di’in, ayaa sababay xaalado abaareed oo ba’an oo ay ku barakaceen 810 000 oo qof, islamarkaana ay xaalufiyeen dalagyadii iyo xoolihii.

Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee 2022, Qaramada Midoobay waxay doonaysaa in ay ururiso ku dhawaad US $1.5 bilyan si loo bixiyo gargaar bani’aadamnimo 5.5 milyan oo qof oo nugul, oo ay ku jiraan 1.6 milyan oo barokacayaal ah (IDPs), 3.9 milyan oo aan barokacayaal ahayn, iyo dadka naafada ah.

Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Tani waxay daba socotaa ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, uu booqasho ku yimid Somaliland si uu u qiimeeyo xaaladda abaarta. Wuxuu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in gurmad bini’aadantinimo oo deg deg ah lala gaadho bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Abdelmoula, ayaa intii uu ku guda jiray socdaalka labada maalmood qaatay ee March waxa uu soo maray deegaanka Cunaqabad ee duleedka Hargeysa ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaanu indhihiisa ku soo arkay saamaynta ay abaartu ku yeelatay abaarta, isla markaana la dhexgalay qoysas barakacayaal ah oo ku sugan xaalad jilicsan.

Isu-duwaha arrimaha bini’aadantinimada iyo isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada, ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddida abaaraha Somaliland.

Waxa kale oo uu la kulmay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Hargeysa iyo hay’addaha fulinta.

Barakac iyo tahriib gudaha ah

Mr. Abdelmoula waxa uu xusay inay kordheen tirada qoysaska barakacayaasha ah ee ka imanaya gobollada kale ee ay abaaruhu ku dhufteen, kuwaas oo u soo qaxay Somaliland.

“Tani waxay sii fidinaysaa kheyraadka khafiifka ah ee ay heli karaan bulshooyinka maxalliga ah,” ayuu yidhi isagoo welwel ka qaba. “Waxaa loo baahan yahay in la kordhiyo maalgelinta xal waara ee gobollada abaaruhu u nugul yihiin iyo kor u qaadista adeegyada bulshada ee meelaha ay ku nool yihiin barakacayaasha.”

Mr. Abdelmoula oo ka hadlay gebagebadii booqashadiisa, waxa uu intaas ku daray in madaxda Somaliland ay isku aragti ka dhiibteen baahida loo qabo xal waara, kor u qaadida adkaysiga bulshooyinka iyo in la maalgashado xidhiidhka bini’aadantinimo-horumar-nabadeed.

β€œWaxa aan u baahanahay in aan sameyno waa in aan maalgashi badan ku sameyno deegaanada ay ka soo jeedaan bulshadan cusub ee soo barakacay si aan u hubinno in ay si nabad ah ku joogaan guryahooda, waxaana taas barbar socota kor u qaadida adeegyada bulshada ee meelaha ay soo gaadheen dad badan oo abaarta darteed. ” ayuu yidhi Abdelmoula.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here