Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay In Sharciga La Marin Doono Weriyayaasha Xidhan

0
1424

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirrada arrimaha gudaha iyo warfaafinta Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay si faahfaahsan uga hadleen dhacdadii dhowaan ka dhacday Jeelka Weyn ee magaalada Hargeysa.

Wasiirada, ayaa sidoo kale ka hadlay xadhiga weriyayaasha maalintii afraad ku jira jeelka magaalada Hargeysa, waxana ay sheegeen in aanan dambi loo yeelayn cid aan dabmi lahayn, qofkastana uu heli doono cadaalad.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa isna dhankiisa carrabka ku adkeeyay in weriyayaasha xidhan la marin doono sharciga.

Dhankiisa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay ka xun yihiin weriyayaasha xidhan hasayeeshee sharciga uu qofwalba ka sarreeyo.

Waxaa uu dhanka kale farriin u diray kooxo uu sheegay inay dowladda ku dhaleeceeyeen xadhiga weriyayaasha.

Geesta kale, Maxkamadda Hargeysa, ayaa warqad ogolaansho ah ciidanka u siisay in ay wariyayaashan xabsiyada kusii hayn karaan shan maalmood taas oo ay ciidanka danbi-baadhistu ka codsadeen maxkamada.

Wariyayaashan, ayaa waxaa la filayaa in shantaa maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here