Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Agaasimayaasha iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Hargeysa

0
694

Hargeysa (Hargeisa Press) –  Shirka joogtada ah ee Agaasimayaasha iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta ka qabsoomay xarrunta dowladda hoose ee Hargeysa.

Shirkan oo ah mid toddobaadle ah oo ay maalinkasta oo Isniin ah ay yeeshaan Agaasimayaasha iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda, ayaa diirada lagu saaray shaqooyinka muhiimka ah ee u baahan in si deg deg ah looga jawaabo.

Shirkan oo uu guddoominayay Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waxaa gabagabadii laga soo saaray toddoba qodob oo xaasaasi ah, waxaanay u dhignaayeen sidan:-

1:In la qabto Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.

2: Dardargalinta Shaqooyinka maalinlaha ah ee loo hayo Shacabka Hargeysa.

3: In si Deg deg ah looga jawaabo cabasho kasta oo suurogal ah oo ka timaada dhanka Muwaadinka loo shaqeeyaha ah.

4: In Ganaax adag la saarayo qofka dibada u soo saara isla markaana ka dhista bulaacad goob wado ah oo ka baxsan aqalkiisa.

5: In la sii wado Xoolaha laga saarayo Gudaha Caasimadda Hargeysa si loo heli Hargeysa Cagaaraan.

  1. In maalinta Bari ah la qaadi doono Olole Cashuur-qaadis ah oo dadka aan cashuurta bixin lagaga soo qaadayo cashuurta ku baaqatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here