Doorashooyinka Somaliland oo Loo Qoondeeyay $15 Milyan oo Dollar

0
1450

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horrumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shaaciyay in lacag dhan $15 milyan oo dollar loo qoondeeyay doorashooyinka Somaliland ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo 2023-ka.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta hortagay golaha Wakiillada Somaliland oo uu horgeeyay miisaaniyad sanadeedka 2023-ka oo ay hore u soo ansixiyeen golaha Wasiirrada.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in saaxiibada dalalka Beesha Caalamka ee markii horeba Somaliland ka caawin jiray doorashooyinka ay haddana ka caawin doonaan.

Waxaanu yidhi, β€œMudnaanta aynu siinay meelaha kharashku ku baxo, waxay ku salaysan tahay siyaasadda xukuumadda iyo xaaladaha ka taagan waddanka.

Sannad misaaniyadeedka 2023-ka waxa mudnaanta la siiyay amniga, doorashooyinka, biyaha, degaanka, wax-soo-saarka, citiraafka iyo waxbarashada.

Mudanayaal waxa doorashooyinka sannadkan aynu ku jirno ee 2022 ugu jira miisaaniyada 5 milyan, miisaaniyada sannadka soo socda ee 2023-kana waxa loo galiyay 10 milyan, isugeyn waxa loo qoondeeyay doorashooyinka soo socda ee 2023-ka lacag dhan 15 milyan, inkasta oo ay innagu adag tahay, lacagta aynu u qoondaynay doorashooyinka innaguma fila, waxa aynu rajjeynayna saaxiibadii awalba innaga caawin jiray doorashooyinku inay tana inaga caawiyaan”.

Si kastaba, Madaxtooyada Somaliland, ayaa shalay sheegtay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku gacanta ku hayaan kharashaadkii ay ku bilaabi lahaayeen Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha maaddaama oo Golaha Wasiirradu uu Khamiistii ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2023-ka.

War qoraal ah oo lagu baahiyey Bogga Madaxtooyada Somaliland ku leedahay barta Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in ansixinta Miisaaniyad-sanadeedka Qaranka ay Komiishanka doorashooyinka haystaan dhaqaalihii iyo Agabkii ay ku qaban lahaayeen diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadka dambe ee 2023-ka.

Laakiin madaxtooyadu warkeeda kuma xusin doorashada la qabanayaa ta ay tahay, maaddaama oo weli khilaaf ka taagan yahay ta soo horraynaysa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda Dalka.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in qabashada Doorashooyinka loo raacayo wakhtiga uu Komiishanku u cayimo ama u qoondeeyo qabsoomiddooda.

Horraantii bishan ayay ahayd markii golaha Guurtida Somaliland ay muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, tallaabadaasi oo ay si weyn uga soo horjeesteen dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa iyaguna si weyn uga soo horjeestay muddo kororsiga ay golaha Guurtidu u samaysay xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo korosi, iyaga oo ku baaqay in doorashada Guurtida iyo Madaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here