Qayb Kamid Ah Xaafadda Layn Booliska Ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa Oo La Iibiyay+Cidda Laga Iibiyay,Cadadka Lacageed Ee La Kala Siistay Iyo Amar La Dul Dhigay Dadka Dagan Xaafadda

0
1106
Muuqaalka Hargeysa

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in ay fasaxday isla markaana iibisay qayb kamid ah guryaha Layn Booliska ee badhtamaha magaalada Hargeysa,kuwaas oo ay dawladu leedahay,hoyna u ah ciidamada Booliska Somaliland.

Wargeyska Himilo ayaa loo xaqiijiyay in 11 Guri oo kamid ah guryaha ku yaala xaafadaasi ay xukuumaddu iibisay isla markaana ay ka iibisay shirkadda Dahabshiil oo kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay,sidoo kalena dadkii ku jiray guryahaasi la faray inay kaga guuraan muddo 10 caano maal ah gudahood.

Wararka wargeyska Himilo ka helay dadka dagan guryahaasi ku yaala xaafadda Layn Booliska ayaa sheegaya in 11 guri oo kamid ah guryaha xiga dhinaca bari ee shirkada Dahabshiil ay shirkadu ka iibsatay dadkii ku jiray guryahaasi oo intooda badan ay yihiin Boolis,waxaana guri kaste ay siisatay qadar lacaga oo dhan 50,000$ (Konton Kun Oo Dollar),isla markaana qof walba ay shirkadu siisay lacagtiisii.

Maamulka shirkada Dahabshiil oo wargeyska Himilo waydiiyay waxa ka jira in shirkadoodu iibsatay 11 guri oo ku yaala xaafadda Layn Booliska ayaa beeniyay,waxaana uu ka jawaabay.

“Anigu fasax ayaan ku maqnaa oo aan hadda kasoo laabtay ,warkaasina maan maqal oo waxaan filayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi”ayuu yidhi maamulka shirkadda Dahabshiil Md Cabdi Faarax.

Sidoo kalena wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Liibaan Yuusuf Cismaan oo isna wargeyska Himilo uu khadka telefoonka ku waydiiyay waxa ka jira iibka guryahaasi ku yaala xaafadda Layn Booliska ayaa waxa uu ku jawaabay

“Wasaaradd ahaan wax aanu iibinay xaqiiqo ahaan ama aanu ka war qabno oo aan kuu sheegi karaa ma jirto,anigoo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud ahna ku simaha wasiirka ,sidaas darteed ciddii kale ee arrintaasi gashay iyada ayaa ka jawaabi doonta,arrintan iibka guryaha wax aanu kala soconaa ma jirto”sidaas ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland.

Guryahan la sheegay in la iibiyay ayaa dadkii ku jiray waxa loo qabtay in ay kaga guuraan muddo 10 maalmood ah oo haddana ay hadhsan yihiin muddo 3 maalmood ah,sidoo kalena masuuliyiin wasaaradda Maaliyadda oo aan wax ka waydiinay iibka guryahan ayaa ku gaabsaday inaaanay waxba kala socon iibka guryaha,ilaa haddana aanay khasnada dawlada kusoo dhacin wax lacag ah oo guryahaasi lagu iibiyay.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino iibka guryahan oo badi ay ku jiraan ciidamada Boolisku ayaanay noo suurto galin kadib markii uu telefoonkiisa gacanta naga qaban waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here