Haweenay Lamaan Oo La Qabtay Iyadoo Gaadhi Saaraysa Wiil 12 Jir Ah Oo Hargeysa Laga Raadinayey 37 Cisho Iyo Xog-warranka Hooyadii

0
1220
HargeisaPress Breaking-News..

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wiil yar oo da’diisu tahay 12 jir oo gudaha Magaalada Hargeysa laga xaday 30kii bishii toddobaad ee sanadkan 2017, ayaa Shalay subax dib looga helay gudaha Hargeysa.

Hooyada dhashay Wiilkan oo magaceeda la yidhaahdo Faysa Aadan oo Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhay ayaa ka warrantay Wiilka laga xaday gudaha magaalada Hargeysa, wakhtigii la xaday Wiilkeeda iyo sida ay ku heshay, waxaanay tidhi “Walaal waa ILAAHAY mahaddii, Wiil aan dhalay oo 12 jir ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Axmed Cali oo la iga xaday 30-kii bisha toddobaad ee 2017, ayaa Shalay subax aan helay, iyadoo aan muddadaasi raadinayey isla-markaana aan ka baafiyey Warbaahinta iyo meel kasta”.

Hooyo Faysa oo Wargeyska Himilo weydiiyey sida ay ku heshay Wiilkeeda ayaa ku jawaabtay “Walaal waa ILAAHAY mahaddii, Shalay subax ayaa Gabadh aanu ehel nahay oo miyi ka timid oo istaanka gaadhi kaga degtay ayaa si kedis ah u aragtay wiilkaygii la xaday ee aanu baadi-doonayney oo ay wataan gabadh ilmo xambaarsan iyo Nin kale oo doonayey inay saaraan Gaadhi ka baxaya Istaanka Gaadiidka Galbeedka u baxa laga raaco ee ku yaalla suuqa Gobonimo, sidaasi awgeed ayey gabadhii ku qaylisay oo ay dadweynihii goobtaasi ku sugnaa u caawiyeen, gacanta na loogu dhigay wiilkii yaraa iyo gabadhii ilmaha sidatay ee wadatay, balse waxa goobtii ka baxsaday Ninkii oo aan la qaban illaa hadda, intaasi kadibna gabadhii aanu ehelka ahayn iyo dadweynihii kale ayaa kaxeeyey oo wiilkaygii iyo gabadhii lagu qabtay ba geeyey saldhigga Booliska Daloodho, anigay Telefoonka iigu soo sheegeen, markaasi ayaan ugu tagey saldhigga oo aan ku arkay Wiilkaygii Cabdirisaaq”.

Faysa oo la weydiiyey xaaladda caafimaad ee wiilkeeda iyo halka uu haatan ku sugan yahay ayaa waxay tidhi “Wiilka oogadiisa waxba kama muuqdaan, laakiin wuu sixranaa oo markii la ii soo sheegay ee aan u tagey wuu ooyayey oo wuu diiday inuu ila hadlo, sidaasi awgeed ayaan cashar Qur’aan ah u soo dhigay oo aan siiyey markaasi ayuu i gartay oo uu yidhi meeday hooyaday Faysa, sidaasi ayaan ula hadlay, markaa hadda wuu fiican yahay”.

Hooyo Faysa, waxa kale oo ay intaasi ku dartay “Wiilkaygii Cabdirisaaq iyo Gabdhii ilmaha sidatay ee lagu qabtay ba waxay ku sugan yihiin saldhigga Booliska oo waxa socda baadhitaan”.

Ugu dambayntii, Hooyo Faysa Aadan oo ka hadlaysa dareenkeeda ayaa waxay tidhi “Waa ILAAHAY mahaddii, waanan ku faraxsanahay inuu ILAAHAY dib iigu soo celiyey wiilkaygii aan muddada dheer la’aa ee aan raadinayey”.

Ma cadda in Gabadha ilmaha lagu qabtay iyo Ninka la socday ee baxsaday ay ahaayeen Soomaali iyo in kale, maaddaama oo aanay Ciidammada Ammaanku weli ka hadal arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here