Odayaasha iyo Waxgaradka Boocame oo Ka Digay Qorshe Ay Wado Puntland

0
1712

Boocame (Hargeisa Press) – Odayaasha, Waxgaradka iyo Cuqaasha degmada Boocame ee gobolka Sool oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood, ayaa ka hadlay Saldhig Ciidan oo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu doonayo in uu ka samaysto deegaano ka tirsan Boocame.

Odayaashan, ayaa waxaa ay sheegeen in maamul goboleedka Puntland uu ka shaqaynayo isku dhacyo beeleed oo deegaankaasi ka soo cusboonaada iyo dhul balaadhsi.

Waxaa kale oo ay Odayaashan iyo Waxgaradka Boocame ay sheegeen in habayaraatee aanay marnaba aqbalayn qorshahan maamul goboleedka Puntland damacsan yahay.

Odayaasha iyo Waxgaradka degmada Boocame, ayaa sidoo kale waxaa ay baaq culus oo ku aadan qorshahan maamulka Puntland damacsan yahay u direen Xukuumadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here