Odayaasha Beelaha Hawiye: “Reer Laascaanood Ha Joojiyaan Durbaanka Colaadeed Ee Qabiileysan”

0
4040

Muqdisho (Hargeisa Press) – Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, ayaa baaq nabadeed ka soo saaray xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Odayaasha beesha Hawiye, ayaa baaq u jeediyay shacabka magaalada Laascaanood, iyagoona ugu baaqay in ay joojiyaan durbaanka colaadeed ee qabiileysan ee wadaan.

Odayaasha oo kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya ayna xiiso u qabin dhiig daata, islamarkaana laga shaqeeyo nabad-gelyada.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanood in xiisada taagan ku dayaan xal aan ahayn xabad, islamarkaana isugu yimaadaan gole weyn oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in qaab degan oo xikmadeysan u xaliso xiisadda Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here