Madaxweyne Biixi oo Kormeer Kedis Ah Ku Tagay Jidka Hargeysa By-pass

0
1992

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu galabta Maqribkii kormeer kadis ah ku tagay wadada 200 boqol ee Waqooyiga magaalada Hargeysa ee Hargeysa By-pass.

Madaxweyne Biixi, ayaa markii uu jidkaasi labada boqol gaadhay waxaa uu kula kulmay dhallinyaro badan oo ku sugnayd jidkaasi.

Muuqaal la baahiyay, ayaa waxaa uu muujinaya Madaxweynaha Somaliland oo dhallinyarada ku sugnayd jidkaasi la lugaynaya.

Jidkan Hargeysa By-pass oo qayb ka ah mashruuca Jidka Berbera Corridor oo dhismihiisa la dhamaystiray, ayaa waxaa maalgelisay Dowladda UK, waxaana qandaraaska dhismaha jidkan fulinaysay shirkadda TMEA oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhismaha jidkan, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii magaalada Hargeysa looga leexin lahaa Gaadiidka Xamuulka ah ee Badeecadaha iyo Alaabooyinka dekedda Berbera ka soo dega u sida dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here