Nin U Dhashay Dalka Canada oo Lagu Xidhay Somaliland

0
2499

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ciidamada booliska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xabsiga u taxaabeen nin Youtuber ah oo u dhashay dalka Canada.

Ninkan u dhashay Canada, ayaa xabsiga loo taxaabay xili uu doonayay in uu muuqaalo ka duubo gudaha suuqa magaalada Hargaysa.

Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa waxaa ay muujinayeen ninkan Canadiyaanka ah oo ciidamo boolis ahi baabuur saarayaan.

Ninkan u dhashay dalka Canada oo Youtubka ku soo gala magaca “Chris Must List”, ayaa dhawaan sariflayaasha magaalada Muqdisho ka duubay muuqaalo uu ku sheegayo in lacagta shillin Soomaaligu tahay mid aan qiimo lahayn.

Intii uu ninkani ku sugnaa magaalada Muqdisho baahiyay muuqaalo uu ku quudhsanayo lacagta shilin Soomaaliga, isaga oo intuu sarif la yaasha booqdo, oo uu hal milyan oo shilin qaato dadka u qaybinayay isaga oo muujinaya in lacagta Soomaaliya tahay, lacag aan qiimo lahayn.

Hase yeeshee illaa iyo hada ma cada in ninkan loo xidhay ka hortag lagu baajinayo in uu muuqaalo kuwii Muqdisho oo kale ah ka duubo Hargeysa iyo in lagu haysto arrimo kale oo sharci ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here