Somaliland oo War Ka Soo Saartay Xidhiidhka-Iskaashi Ee Kala Dhexeeya Mareykanka

0
2956
Muuse Biixi iyo Joe Biden
Muuse Biixi iyo Joe Biden

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Somaliland, ayaa war cusub ka soo saartay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda Mareykanka, iyada oo shaaca ka qaaday inuu sii kobcayo, islamarkaana horumar laga sameeyay sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa hadal uu jeediyay ku soo hadal qaaday xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweyne Biixi, ayaa ku faanay in Somaliland ay haatan meel fiican ka mareyso caalamka, islamarkaana ay horrumarisay siyaasaddeeda arrimaha dibadda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada Aqal ee Mareykanka ay ansixiyeen iskaashi amni oo dhex-maraya Somaliland iyo Mareykanka.

“Maanta Somaliland caalamka meel fiican ayay ka mareysaa waxaad ogtihiin in labada aqal ee Mareykanka ay baas gareeyeen in dowladda Mareykan ay ku qasbeen inay la yeelato xidhiidh diblumaasiyadeed & mid amaan Somaliland,’ ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kale oo uu xusay inay u mahad-celinayaan xildhibaanada ka shaqeeyay arrintaasi, ayna filayaan in madaxweynaha uu dhaqan-geliyo go’aankaasi.

“Waxaan uga mahad naqeynaa xildhibaanada gole ahaan ee hirgeliyay dhowaana insha allaah aan fileyno in madaxweynuhu saxeexo,” ayuu markale yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Ciise Keyd Maxamuud, ayaa isna ku boggaadiyay labada aqal ee Mareykanka ansixinta xeerka iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka.

“Ansixinta xeerkani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo hore loo qaaday sannado badan oo dedaal badan oo dhex maray labadayada dowladood. Somaliland waxa ay ku faantaa in ay u noqoto iftiin xasiloonida Geeska Afrika iyo iskaashiga la xoojiyay ee uu qorsheeyey Koongarasku waxa uu horumarin doonaa raadinta danaha istiraatijiyadeed ee aynu wadaagno ee gobolka xasaasiga ah. Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa saaxiibadayada Congress-ka Mareykanka taageeradooda joogtada ah ee iskaashiga la xoojiyey ee u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.”.

Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Bashiir Good, ayaa isna ka hadlay xeerkan ay meel mariyeen labada aqal ee Mareykanku, isgoona sheegay inay arrintani tahay mid ku weyn Somaliland iyo xidhiidhka ballaadhinta ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland.

Waxaa kale oo uu sheegay in tallaabadani ay ka dhigan tahay tallaabo taariikhi ah oo hore loo qaaday, isagoona xusay inay Somaliland ka rajaynayso Madaxweyne Biden inuu saxeexo sharcigan muhiimka ah si uu u dhaqan galo.

“Tani waa maalin ku weyn Somaliland iyo xidhiidhka ballaadhinta ee naga dhexeeya Mareykanka. Mareykanka waxa uu mar walba Somaliland ku lahaa saaxiib diyaar ah oo karti leh, raadinta wada shaqayn dhowna waxa saldhig u ah qiyamka aynu wadaagno, oo ay ka mid yihiin dhaqankeena dimuqraadiyadda hal qof-hal-cod ah, dowladnimada ku dhaqanka sharciga, iyo raad-raacii taariikhda. isku filnaansho dhaqaale. Tallaabadani waxay ka dhigan tahay tallaabo taariikhi ah oo hore loo qaaday waxayna muujinaysaa taageerada laba geesoodka ah ee adkaysiga leh ee kor loogu qaadayo xidhiidhka Mareykanka iyo Somaliland. Waxaan ka rajaynaynaa Madaxweyne Biden inuu saxeexo sharcigan muhiimka ah si uu u dhaqan galo, isla markaana aanu ka wada shaqayno sidii aanu u dhaqan gelin lahayn.”. ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Bashiir Good

Xeerka iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka ee labada aqal ee dalka Mareykanku ansixiyay, ayaa dhaqangalkiisu waxaa uu sugayaa maalmaha soo socda saxeexa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Marka uu saxeexo madaxweyne Joe Biden, xeerkani waxa uu noqonayaa xeerkii ugu horeeyay ee Somaliland lagu daro ee sharciga Mareykanka tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda 1991-kii.

Waxaana uu xeerkani dhigayaa in Mareykanku uu sahamiyo dhammaan xidhiidhada muhiimka ah ee lala yeelan karo dowladda Somaliland.

Xeerka iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka, ayaa sidoo kale dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku inay sannad walba warbixin ka siiso Congress-ka kaalmada Mareykanku siiyo Somaliland.

Wasaaraddaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga ee dalka Mareykanka, ayuu xeerku farayaa inay muddo lix bilood gudahood ah ugu soo gudbiyo Baarlamaanka suurtogalnimada in la sameeyo iskaashi Mareykanka iyo Somaliland ah, oo ay ku jiraan fursadaha iskaashiga ee arrimaha ammaanka gobolka.

Ansixinta xeerkan, ayaa ah talaabo taariikhi, taasi oo horseedi doonta in Somaliland iyo dalka Mareykanku ay iska kaashaddo arrimo badan, isla-markaana Somaliland ay Dowladda Mareykanka si toos ula macaamisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here