Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Dhawaaqay Shirweyne Ay Ku Dhisayaan Gole Islaam

0
1074

Minneapolis (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhowaaqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qabaneyso shirweyne ay ku dhisayso gole sare oo Islaami ah.

Xasan Sheekh, ayaa hadalka ka sheegay magaalada Minneapolis oo uu habeen hore kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliya ee magaaladaasi ku dhaqan.

“Waxaan qabaneynaa Shirweyne Culimada Soomaaliya isugu imanayaan oo aan kaga tashaneyno dhisidda Golaha Sare ee illaalinta Shareecada Islaamka,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

“Al-Shabaab waxay ku xadgudbeen wax walba oo ay diinta Islaamka reebtay. Maanta dowladda waxay u taagan tahay inay dhisto hay’addaha dowladda ee ilaalin lahaa diinta sida Golaha Fatwada.”

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaan faah-faahin ka bixin sida ay ku soo xuli doonaan culimada ka mid noqon doonta golahan, iyada oo la ogyahay in culimada Soomaaliya ay ka kala tirsan yihiin firqooyin kala duwan.

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa xilligi Farmaajo waxay inta badan ku xidhneyd kaliya culimada Ictisaam ama Salafiga oo badankood loo arko inay fikir ahaan yihiin xagjir.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa imanaya xilli uu hore u sheegay in Al-Shabaab aanay kaga adkaan karin milateri ahaan balse ay qasab tahay in dhanka fikirka lagala dagaalamo.

“Milaterigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta lagaga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in laba jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yidhi. 

Xasan Sheekh, ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha ay kaga takhluusayaan Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka kaga qaadeen Al-shabaab.

“Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliya ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu cidhibtirayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gudheen oo aan sii noolaan doonin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here