“Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin mid-naba ma coloobi karno xaashaaka laah”…

0
620

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in aanay wax dhici kara ahayn in ay coloobaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye.

Waxaanu tilmaamay in isaga iyo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin uu ka dhexeeyo ixtiraam iyo is qadarin, balse ay siyaasadda ku kala aragti duwan yihiin.

Xildhibaan C/qaadir Jirde, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad xalay lagu qabtay magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo ay ka qayb galeen madaxda xisbiyadda Somaliland.

Munaasibadaasi madaxdii joogtay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani iyo qurbe jooga reer Somaliland ee dalka UK.

C/qaadir Jirde, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Siyaasad ayay isku hayaan axsaabtu. Siyaasad waanu isku haynaa, laakiin colaadi ma jirto. Wax colaad ah oo jirtaa ma jirto.

Maba coloobi karnaba. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin mid-naba lama coloobi karo. Colaad reer iyo colaad qof toona, xaashaaka laah.

Waanu isku khilaafsan nahay siyaasadda, waan tartamaynaa, waan naqdiyaynaa. Laakiinse ayaan loo qaadanin in la coloobayo.

Labaduba markaan la kulmo (Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha), midna fadhiga iguma salaamo, sarajoog ayay igu salaamaan. Waana ixtiraam naga dhexeeya, anigu-na sidaa si le’eg. Markaa la kala tegi maayo”.

Geesta kale C/qaadir Jirde, ayaa kula dar-daarmay qurbe jooga in aanay ku hafan marka ay is dhaliilayaan mucaaradka iyo xukuumadu, isagoo xusay in haddii ay madaxweynaha madal ku kulmaan aan loo arag in ay wax is bedeleen.

Waxaanu yidhi “Idinku (qurbe jooga) ha naga dheeraynina anaga, ee na daba socda. Waxaan arkaa mararka qaarkood aniga iyo Muusoo wada qoslayna, oo ay qaar soo qoreen waar toloow ma Baastadii buu wax ugu daray.

Baasto waxba la isuguma daree, danta naga dhaxaysa ayaa ka weyn wax walba. Isna wuu og yahay, ana waan ogahay”.

Waxa kaloo uu sheegay guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Waddani in xisbiyadu ay is dhaliilayaan, isla markaana uu dhex marayo tartan adag balse aan la coloobaynin.

“Waan tartamaynaa, la isku hanbayn maayo. Baarlamaanka waad aragteen, waad aragteen asxaabtu markay wada hadlayso, meel baa la isla gaadhayaa kulul, hadana anagoo gacmaha is haysana ayaanu ka soo baxnaa.

Idinka-na taasaa la idinka filayaa. Nin walowba xisbigaad ku jirto taageer, axsaabtu way idiin baahan tahay, laakiinse haku coloobina”ayuu yidhi C/qaadir Jirde.

By: Khadar Cabdi Muus

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here