Muslim Aid oo Raashin u qaybisay 1200 oo Qoys oo nool Gobollada Awdal iyo Gabilay + SAWIRRO

0
1169

BOORAMA, (HargeisaPress) β€”Hay’ada Muslim Aid SomalilandΒ ayaaΒ raashin mucaawimo ah u qaybisay 1200 oo qoys, kuwaasoo ka kala tirsan Gobollada Awdal iyo Gabilay.

 

Deeqdan oo isugu jirtay Bariis, Sonkor, Saliid iyo Timir, ayaa waxay Muslim Aid gaadhsiisay 1200 oo qoys oo ay saamaysay abaartii sannadkan oo dhibaato xoog lehu gaysatay dad iyo duunyaba.

IMG-20160729-WA0015

Deegaannada Gobolka Awdal ee Deeqdu gaadhay waxaa ka mid ahaa Xariirad, Qulujeed iyo Dilla, halka Gobolka Gabilayna la siiyay Deegaanka Xuunshalay iyo Laaca.

IMG-20160729-WA0019

Qaybinta Deeqdan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Wasaaradda Dib u dejinta Cabbdinaasir Xaaji Daa’uud Warsame iyo Agaasimaha IPD-ska eeWasaaradda, Xoghayaha Gabilay iyo madaxda Muslim Aid oo uu horkacayo Β Guddoomiyaha Xafiiska Somaliland Sidiiq Maxamuud Gahayr.

IMG-20160729-WA0022

Qoysaska loo qaybiyay raashinka kala duwan, ayaa dhammaantood ku qaabilay farxad iyo raynrayn, waxaannay si weyn ugu mahadceliyeen Hay’adda Muslim Aid iyo hawlwadeennadeeda, oo ilaahayΒ  uga baryeen inuu ajar iyo xasanaad ugu bedelo.

IMG-20160729-WA0007

IMG-20160729-WA0013 (1)

Madaxda Hay'ada Muslim Aid Somaliland
Madaxda Hay’ada Muslim Aid Somaliland

 

IMG-20160729-WA0009

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here