Madaxtooyadda Somaliland Oo Maamustay Arday Bartay Wada shaqaynta Dawladda + SAWIRRO

0
959

HARGEISA , (HargeisaPress) — Madaxtooyadda Soomaalilaan ayaa maanta oo Salaasa ah maamustay 40 shaqaalaha dawladda ah oo si guul ah u dhamaystay tababar laba cisho qaatay, oo ula-jeedadiisu ahayd sidii loo hirgelin lahaa, ‘Hal Dawladda ah iyo Cod mid ah.’

12717610_1047676201944608_92875394721995311_n

“ Waa muhiim in dawladdu xoojiso xidhiidhkeeda gudaha iyo weliba ka ay la leedahay dadka ay u adeegto si loo helo bulsho midaysan, oo leh cod furan oo awood badan,” ayuu ka sheegay Axmed Guuleed, Agaasimaha Xidhiidhka Madaxtooyaddu, furitaankii xafladda.

12495135_1047677828611112_4980927409108148351_n

Dadka ka soo qayb galay kulan sharafeedkan ayaa waxa ay ka kala socdeen dhammaan wasaaraddaha iyo hayadaha dawliga ah ee dalka. Kuwaas oo intii uu tababarku socday si hufan uga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhexdooda, si ay dawladdu u hesho warar sugan, shacabka Somaliland looga haqab-tiri lahaa wararka khuseeya.

12799423_1047677821944446_6320201395150128578_n

“ Waa arrin aad loogu farxo in aan la shaqaynay dhallinyaro u heegan ah in xidhiidhkooda kor u qaadan, si is-bedal togan u u gaadhaan. Xog-wadaagistu waa furaha lagu gaadho maamul wanaag iyo bulsho suuban,” ayuu yidhi Andy Hill, oo ah tababare ka socday Adam Smith International (ASI).

12494844_1047676095277952_1434090182093011706_n

Afar nin oo ka socday kooxda ASI ayaa ka hawl-galayey Soomaalilaan laga soo bilaabo dhamaadkii bishii Noofambar si ay dawladda uga taageeraan sidii ay u horumarin lahayd xidhiidhka dhexdeeda ah, ka ay la leedahay warbaahinta, si is-dhaafsiga xogta ee dadweynaha iyo dawladuba u tis-qaado.

12920308_1047676231944605_2382969067265477173_n

Kooxdan ayaa la soo shaqaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ta Qorshaynta iyo Difaacaba. Waxa kale oo tababaro gaar ah u fidiyeen shaqaalaha Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha iyo kuwa xidhiidhka Madaxtooyada.

10985215_1047676355277926_7652748834339149838_n

Sidoo kale waxa ay tababar siiyeen wakiiladda Soomaalilaan kadib markii ay ka qayb-galeen kulan ka qabsoomay Hudheel Maansoor bishii Diisambar.

11223312_1047676551944573_3095409144938314059_n

Waxa la filayaa in kooxdan ASI dalka ku soo laaban doonaan si ay shaqadan u sii xoojiyaan, iyaga oo taageero toos ah ka helaya Xafiiska Arrimaha Dibadda u qaabilsan Dawladda Ingiriiska.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here