Murashax Cirro Oo Lacag Caawimo ah Gaadhsiiyay Hooyo Dhibaataysan

0
490

Hargaysa (HP): Murrashaxa jagadda madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta gurigiisa ku qaabilay hooyo Siraad Cali Caafi.

Hooyadan oo magaceedda la yidhaahdo hooyo Siraad Cali Caafi, oo shalay saxaafadda ka sii daysay walaaca ay ka qabto maceeshadda qaaliyawday iyo duruufaheeda nololeed.
Hooyadani oo muuqaal gaaban oo laga soo duubay ayaa xalay ilaa maanta si weyn waxa uu u qabsaday baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka.
Siraad Cali Caafi, oo ku nool magaaladda Hargaysa ayaa muuqaalka laga soo duubay waxay kaga cabanaysay qiimaha maciishadda daruuriga ah ee qaaliyoobay, iyadoona muujisay sida aanay qoysaska danyarta ah u goyn Karin qiimaha maciishadda ee cirka isku shareeray.
Waxaanay sheegtay in iyagoo marka horeba ahaa qoys danyar ah ay u sii raacday in laba qof ay qoyskeedda ka xanuunsanayaan.

Sidaas darteedna waxay ugu baaqay xukuumadda Somaliland in ay wax ka qabato korodhka qiimaha maciishadda.
Murrashaxa jagadda madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, oo cabashadda hooyadaasi ka danqaday ayaa hooyo Siraad, ugu gaadhsiiyay lacag.
Waxaanu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay caawiyaan hooyadan dhibaataysan.

DAAWO: Cabashadda Hooyadan dhibaataysan:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here