Booliska Somaliland “Waa sharci darro mudaharadka ay xildhibaanadu ku baaqeen”…

0
353

Hargaysa (HP): Taliska ciidamadda booliska Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamay mudaharaad ay ku baaqeen xildhibaanno inuu beri ka dhaco xarunta baarlamaanka Somaliland ee magaaladda Hargaysa horteedda.
Waxaanay boolisku sheegeen in mudaharaadkaasi uu sharci darro yahay, isla markaana marka mudaharaad marka la samaynayo inuu leeyahay sharciyad iyo nidaam loo marro.
Taasoo ah in marka hore ogolaanshiyo loo helo, kadib na in lagu baaqi karro mudaharaadka la war geliyaa dadweynaha.
Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland Sareeye guud Cabdi Xasan Mirre, oo caawa warbaahinta kula hadlay xarunta taliska dhexe ee booliska Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in aan la isugu iman Karin mudaharaadkaasi ay ku baaqeen xildhibaanadda ka tirsan golaha Wakiiladu.
Waxaanu taliyuhu ugu baaqay bulshadda caasimadda Hargaysa in aanu mudaharaadkaasi sharci ahayn, sidaas darteedna aan la qaban karin
DAAWO: Taliska Ciidanka Booliska JSL Oo sheegay in aan Bari mudaharad dhici doonin Hargaysa:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here