Meydad Dhintay 30 Sanno Ka Hor oo Hargeysa Laga Helay

0
1811

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maagaalada Hargeysa laga helay xabaal wadareedyo ay ku jiraan Meydad lagu sheegay inuu dhinteen mudo laga joogo Sodon Sanadood.

Meydkan, ayaa helay xili lagu guda jiray mashruuca Biyo balaadhinta Hargeysa oo dhulka la qodayay si loogu aaso beebabka biyaha.

Cagaftii qodaysay dhulka lagu aasayay beebka biyaha, ayaa waxaa ay soo saartay xabaal wadareed ay ku jiraan dadkii ay sida arxandarada ah u gumaaday dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Meydadkaasi, ayaa waxaa ku jiray mid ka mid ah askartii ciidamada Somaliland oo dirayskii iyo darajadiiba xidhan.

Askarigan, ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadkii ay xasuuqa u gaysatay ee laysay dowladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Xafiiska Dabagalka Xasuuqa, ayaa la wareegay Meydadkaasi si lafaha dadkaas si sharaf leh dib loogu aaso goobo ku haboon.

Warshadda caanaha Hargeysa agagaarkeedu waxa ay ka mid ahayd goobaha xabaal wadareedyada, waxaana ku jira dad aad u tiro badan la xasuuqay wakhtigii Siyaad Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here