Maxay Taalibaan Ku Sheegeen Shirkii Jaraa’id Ee Ay Maanta Qabteen?

0
1077

Kabul (Hargeisa Press) – Taalibaan, ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xidhiidh nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka.

“Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid.

Zabihullah Mujahid, wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doono xuduudaha shareecada Islaamka, loona ogolaan doono inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan, “ayna ka dhex muuqan doonaan bulshada, si waafaqsan shareecada Islaamka.”

Zabihullah Mujahid, ayaa yidhi “inaan cidna loo ogolaan doonin inay dhulka Afghanistan u adeegsato inay ka qaado weeraro ka dhan ah dalal kale.”

“Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo bulshada caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, inaan cidna la waxyeeleyn doonin,” ayuu ydhi Mujahid.

“Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo deriskeena, iyo dalalka gobolkeena inaan ogolaan doonin in dhulkeena loo adeegsado mid ka dhan ah cid kale ama dal kale oo caalamka ka mid ah. Markaa dhammaan bulshada caalamka oo dhan ha xaqiiqsadaan inay naga go’an tahay middaas, oo aan la idin waxyeeleyn doonin.”

Waxa uu intaas ku daray in Taalibaan ayna raadin doonin inay ka aargudato askartii iyo xubnihii dowladdii reer galbeedka uu taageeri jiray ee dalkaas.

Mujahid, ayaa sheegay in la cafiyey askartii hore ee dowladda, qandaraasleyaasha iyo tarjumaanadii la shaqeeyey ciidamada caalamiga ah.

“Cidna idinma waxyeeleyn doonto. Cidna albaabka idiin ma soo garaaci doonto,” ayuu yidhi.

Afhayeenka Taalibaan, ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dooneyso in warbaahinta gaarka ah “ay sii ahaato mid madax-banaan,” hase yeeshee wuxuu suxufiyiita ku adkeeyey “inaanay ka shaqeyn wax ka dhan ah qiyamka qaranka.”

Ballan-qaadyadan, ayaa hadda looga fadhiyaa Taalibaan inay ka dhabeyso, waxayna sida ay uga dhabeeyaan ku xidhnaan doona sida ay beesha caalamka u wajahdo aqoonsiga dowladdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here