Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Bilowday Dhageysiga Dacwadaha La Xidhiidha Doorashadii Dhacday

0
1785

Hargeisa (Hargeisa Press) – Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadaha la xidhiidha doorashadii aqalka Wakiillada ee dhacday 31-dii Bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Saddex iyo labaatan dacwadood oo horyaalla maxkamadda, ayaa kuwoodii uggu horreeyay la gudo galay.

Dacwadahan, ayaa ah cabashooyin ay soo gudbiyeen murashaxiintii tartanka ka qeyb galay, waxaa dacwadaha uggu badan ay ka yimaadeen dhanka xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Guddoomiyaha maxkamada sare, ayaa sheegay in kadib marka lagu dhawaaqo, natijada rasmiga ah ee doorashada uu madaxweynaha Somaliland muddo 30 cisho gudahood ah iskugu yeedhi doono golaha Wakiillada.

Waxa sidoo kale mudaysan 16 dacwadood oo ay Maxkamadu dhagaysan doonto maalmaha soo socda, marka uu soo dhammaado dhagaysiga dacwaduhu, iyadoo maxkamaddu soo saari doontaa go’aan kama dambays ah oo la xidhiidha dacwadahaasi.

Waxaa ku tartamay doorashadii dhacday 31-dii Bishii May saddex xisbi ee Ucid, Waddani iyo xisbiga xukuumadda talada haysa ee Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here