Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Weftiga Goob-joogayaashu?

0
1851

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay weftiga ka socday goob-joogayaasha caalamiga ah oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya dalka 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay.

Waxaa weftiga ka socda goob-joogayaasha hoggaaminayay Michael Walls oo ay wehelinayeen, Dr Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr Amaal Cali oo ka mid ah goob-joogayaasha doorashada.

Guddoomiyaha iyo waftiga, ayaa isla gorfeeyay habsami-u-socodka doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 31 May loo dareerayo, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay ahmiyad weyn u leedahay in doorashadu u qabsoonto si hufnaan leh, oo ay isla ogolyihiin dhinacyada ku tartamaya.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali, ayaa xubnaha weftiga warbixin ka siiyay sida ay hay’adda garsoorku ugu diyaar garowday in ay xaliso cabasho kasta oo soo gaadha, isagoo xusay in uu guddoomiyayaasha maxkamadaha heerarka kala duwan ee dalka faray, in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan.

Guddoomiyaha, ayaa faahfaahin ka siiyay xubnaha weftiga xeerka doorashooyinka iyo dariiqyada sharci ee u banaan dhinacyada doorashada ku loolamaya haddii ay timaado cabasho la xidhiidha hannaanka doorashadu.

Weftiga ka socda goob-joogayaasha doorashada, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, dedaalada ay wadaan garsoorka dalku, iyagoo xusay in ay horseedayso daah-furnaanta doorashada, korna u qaadayso kalsoonida axsaabta qaranka.

Geesta kale, guddoomiyaha maxkamadda sare, ayaa waxa uu xubnaha weftiga uga mahad-celiyay doorka ay goob-joogayaasha caalamiga ahi kaga jiraan hab-sami-u-socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa 31 May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here