Madaxweynaha Jabuuti oo Faray Dadkiisa Inay Is Talaalaan

0
1543

Djibouti (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa uu soo saaray wareegto, taasoo faraysa in dhammaan dadka qaan gaadhka ah ee reer Jabuuti ay istalaalaan.

Sidoo kale, wareegtadan uu soo saaray Madaxweyne Geelle waxay faraysaa ajaaniibta degan Jabuuti inay iyaguna is talaalaan, si loogga hortaggo faafidda Covid-19.

Haatan wixii ka danbeeya waxaa qasab ah in qof walba oo ka wayn dada 25, oo ku sugan gudaha Jabuuti inuu qaato talaalka cudurka Covid-19.

Dowladda Jabuuti, ayaa la lagdamaysa wejiga labaad ee Covid-19, iyadoo waayadii uggu danbeeyay awaamiir is xig xigta ay dowladdu soo saareysay.

Dadka u geeriyooday xanuunka Covid-19,  ayaa aad u yar dalkaasi Jabuuti marka loo barbardhigo dalka dariska la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here