Maxaa Madaxweynaha Somaliland kala Gudboon Xeerarka Doorashooyinka ee labada Gole-baarlamaan Ansixiyeen?

0
643

Hargeysa– Labada Gole-baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu waxa uu mid walba cod aqlabiyad ah oo saddex-meelood laba meel ah (2/3) ay ku ansixiyeen xeerarka doorashooyinka Somaliland ee muddada dheer khilaafku ka taagnaa, waxaanna sidaas ku bislaaday dhaqangelinta farqadda 4aad ee qodobka 77-aad ee dastuurka Somaliland oo waajibinaya in aannu Madaxweynuhu xeerarkaasi dib ugu celin karin Baarlamanka.

Laba tallaabo oo qudha ayuu qodobkaasi Madaxweynaha Somaliland u banneeyey oo ah inuu saxeexo xeerarkaasi oo sidaas ku dhaqangalaan iyo inuu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyo haddii uu arko qodob ama qodobo xeerarkaasi ku jira oo ka hor imanaya dastuurka Somaliland.
Ilaa hadda daneeyayaasha doorashooyinku xeerarkan way isku wada waafaqsan yihiin, balse waxa khilaaf ka taagan yahay hal farqad oo ku jirta qodobka ka hadlaya qaabka ay u soo baxayaan saddexda xisbi ee xisbiyo qaran loo aqoonsanyo, waana farqadda ka hadlaysa in xisbiga ama ururka 20% ka hela gobollada dalka loo aqoonsanayo xisbi qaran, iyadoo ay jiraan Ururo ku doodaya in codadka guud ee hal dheeriga ah lagu saleeyo qaabka xisbiyadu u soo baxayaan, taasina waxay ka hor imanaysaa qodobka 9-aad, farqaddiisa 3aad ee dastuurka Somaliland oo reebaysa in xisbiyada ama ururrada lagu saleeyo gobolaysi iyo qabyaalad.

Haddaba, maadaama oo qaabka ururrada iyo xisbiyada loo kala reebayo ee 20% ay dastuurka waafaqsan tahay, isla markaana aanay ilaa hadda muuqan qodobo kale oo ku jira xeerarka doorashooyinka oo ka hor imanaya dastuurka Somaliland, waxa Madaxweynaha Somaliland looga baahan yahay inuu xeerarkaasi si degdeg ah u saxeexo marka u horaysa ee ay xafiiskiisa soo gaadhaan, si loogu jihaysto doorasho, dalkuna uga baxo khilaafaadkan siyaasiga ah ee muddada ka badan labada sanno soo jiitamayey.

Marka Madaxweynuhu saxeexo xeerarkaasi doorashooyinka ee la dhaqangelinyo, waa in Xukuumadda, Golayaasha Qaranka iyo xisbiyadda siyaasaddu ka wada shaqeeyaan sidii Ururrada diidan 20% loola yeelan lahaa wadahadalo siyaasadeed oo khilaafkooda iyo dooda ay qabaan loogu raadinayo xal siyaasi ah, si mar qudha looga wada faraxasho khilaafaadka arrimaha doorashooyinka iyo dhibaatooyinka ka taagan gudaha Somaliland, kadibna ay reer Somaliland iyagoo isku duuban u jihaystaan difaaca dalkooda hooyo iyo sidii looga hortagi lahaa farogelinaha qaawan ee ay Soomaaliya ku hayso qaddiyadda madaxbannaanida iyo aqoonsiga dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here