Maxay Salka Ku Haysaa Xiisadda Erdogan iyo Mario Draghi?

0
898
Recep Tayyip Erdogan and Mario Draghi
Recep Tayyip Erdogan and Mario Draghi

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi sababo la xidhiidha inuu ugu yeedhay “kaligii taliye,’ hadalladaas oo uu sheegay inay ahaayeen edeb darro.

Draghi ayaa toddobaadkii tegay dhalleeceeyey habka uu Erdogan u marti-geliyey labada hoggaamiye ee ugu sarreeya Midowga Yurub, markaas oo madaxad guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay wayday kursi ay fadhiisato.

Laba kursi oo la soo dhigay halka ay ku kulmayeen ayaa waxaa kala fadhiistay Erdogan iyo madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel.

Saraakiisha Turkiga ayaa diiday eedeynta dhacdadaas, iyaga oo sheegay in hab maamuuska ay sameeyeen ay ku salleeyeen amaro ay ka heleen Brussels.

Kulan madaxeedkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dhex-mara Turkiga iyo Midowga Yurub muddo sanad ah, ayaa hadalheynta ugu badan waxay noqotay dhacdada kursi ka’aanta ku dhacday Ursula von der Leyen, iyada oo loogu yeedhay “sofagate” ama fadeexaddii kursiga.

Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Rome ayaa Draghi waxa uu yidhi “Waan ka xumahay bahdilka ay madaxweynaha guddiga kala kulantay kuwan. Aan ugu yeedhno waxa ay yihiin, kali-taliyeyaal.”

Isaga oo markii ugu horreysay si rasmi ah ugu jawaabaya ayaa Erdogan wuxuu Arbacadii sheegay in hadalka Draghi uu halis geliyey xidhiidhka Turkiga iyo Talyaaniga.

“Hadallada kasoo yeedhay ra’iisal wasaaraha Talyaaniga waxay ka dhigan yihiin xushmad darro buuxda, iyo edeb darro dhameystiran,” ayuu Erdogan ku yidhi muuqaal qayb ka mid ah la soo dhigay twitter-ka.

“Xilli aan rajeeneynay in xidhiidhka Turkiga iyo Italy uu gaadho meel wanaagsan, ninka loogu yeedho Draghi ayaa quusiyey xidhiidhkii.”

Erdogan ayaa ku booriyey Draghi – oo uu xusay inuu yahay nin la magacaabay oo aanay shacab dooran – inuu dib u eego taariikhda Talyaaniga, isaga oo u muuqda inuu kala jeedo xukunkii fashiistaha ee kaligii taliyey Benito Mussolini.

Hadallada Draghi ayaa sababay in Turkey ay saacad gudaheed ugu yeedho safiirka Talyaaniga ee Ankara oo ay ka dalbato saraxaad ku aadan hadalka ra’iisal wasaaraha.

Dhacdada kursiga ayaa sidoo kale fadeexad ka abuurtay Brussels, halkaasi madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel lagu dhalleeceeyey inuu qaatay mid ka mid ah labada kursi, islamarkaana uu von der Leyen ku qasbay inay fadhiisto kursi yaalay meel fog oo ahaa sofa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here